Imaaraadka carabta oo Albaabada isugu dhuftay Saldhiggii Milatari ee Muqdisho

0
Monday May 13, 2024 - 23:17:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka carabta oo Albaabada isugu dhuftay Saldhiggii Milatari ee Muqdisho

    Imaaraadka carabta oo Albaabada isugu dhuftay Saldhiggii Milatari ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaaraadka carabta oo Albaabada isugu dhuftay Saldhiggii Milatari ee Muqdisho
Muqdisho(Xogreeb.com)-Imaaraadka carabta ayaa albaabada isugu dhuftay  saldhiggii milatari ee uu ku lahaa Muqdisho.
kasoo ay wararku sheegayaan in agabkii u dambeeyey ee ka yaalay saldhiga Muqdisho uu usoo wareejiyay dhinaca Maamul goboleedka Somaliya ee Puntland. 
Imaaraadka Carabta, ayaa tabobaro iyo dhaqaale xoog leh ku bixin jiray Ciidamada xooga dalka, waxanay Wararku sheegayaan inay saamayn ku yeelan doonto awooda Ciidamada Somaliya ee dagaalanka Alshabaab, iyo sidoo kale dibu dhigista Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somaliya ee Atmis.
Xidhiidhkii u dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo dawlada somaliya, ayaa mudooyinkii u dambeeyey sii xumaanayay, balse maamul goboladeedada Somaliya, ayaa si gooni-gooni ah ula macaamilayay Imaaraadka, maadaama oo dhaqaale ay ka helayaan.
Talaabadan mamul goboladeeda Puntland iyo Jubbaland kula samaysanayaan Xidhiidhka, ayaa muujinsay daciifnimada dawlada dhexe  Somaliya iyo sida aanay gacanta ugu hayn dhulkeeda, hase-yeeshee dawlada somaliya ayaa heshiisyo Milatari kula jirtaa dalalka Turkiga iyo Qadar.
Si kastaba ha ahaatee, dawlada Imaaraadka Carabta, ayaa tobanaan kun oo Ciidamo ah, u tabobartay Somaliya, kuwasoo ay dhaqaalahoodana bixinaysay, waxanay hada Imaaraadka Carabta saldhigyo milatery ka furanaysaa Jubbaland iyadoo horena u joogtay Puntland .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured