Maareeyaha Dekedaha JSL oo Wafti Reer Yugandha ah Kusoo Dhoweeyey Dekeda, ugana Warbixiyay horumarka balaadhan ee ay ku Talaabsatay...

0
Thursday May 09, 2024 - 23:13:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1076
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Wafti Reer Yugandha ah Kusoo Dhoweeyey Dekeda, ugana Warbixiyay horumarka balaadhan ee ay ku Talaabsatay...

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Wafti Reer Yugandha ah Kusoo Dhoweeyey Dekeda, ugana Warbixiyay horumarka balaadhan ee ay ku Talaabsatay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha JSL oo Wafti Reer Yugandha ah Kusoo Dhoweeyey Dekeda, ugana Warbixiyay horumarka balaadhan ee ay ku Talaabsatay...
Berbera(Xogreeb.com)-Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi iyo maayirka Magaalada Berbera ayaa si diiran ugu soo dhoweeyey Dekeda Berbera iyo magaalada Wafti ka socda Haayada Biyaha iyo fayo-dhowrka dalka Yugandha, oo lagu magacaabo NWSC, kuwasoo wada-shaqayn la leh Wakaalada Biyaha Hargeysa. 
waftiga socdaalka ku tagay magaalada Berbera ayaa waxa wehelinaayay masuuliyiin ka socda Wakaalada Biyaha Hargeysa, markii ay waqtigu gaadheen magaalada berbera waxa halkaa kusoo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo ka warbixiyay horumarka balaadhan ee ay ku Talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, oo qabataa adeegyo la mahadiyay.
Dekeda berbera, ayaa mahiimad balaadhan u leh, Somaliland iyo wadaamada aan Dekedaha lahayn ee dhaca gobolka bariga Afrika.


"Kusoo dhowaada, Dekeda Berbera, Yugandha iyo Somaliland aadbay isaggu xidhan yihiin, oo waxay leeyihiin xidhiidh walaalnimo, waa markii 4 aafarad ama 5-aad, ee ay nasoo booqdan wafti ka socda dalka Yugandha.
Waxanu leenahay Dekeda Caalamiya, oo aanu markii hore u adeegi jirtay, Somaliland oo keliya, balse waxaanu u balaadhinay inay noqoto, deked Caalamiya, oo ay isticmaalaan wadamada Saxaaraha Afrika ka hooseeya". ayuu yidhi Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi. 
Waxanu intaa raaciyey inay Dekeda Berbera soo jiidatay Dekedo kale oo maraakiibta waaweyn ee kale badeecadaha kula kala wareegaan koontiinarada.
Dhinaca kale, Masuuliyiinta ka socda Haayada Biyaha iyo fayo-dhowrka Uganda, ayaa ka marag kacay horumarka ay ku Talaabsatay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo guud ahaan magaalada, waxanay sheegeen inay halkan u yimaadeen inay arkaan, horumarka ka socda halkan, ee ay qabatay Dawlada Somaliland. waxanan idinka mahad-celiyaa soo dhoweynta aad noo samayseen, inkastoo ay Dekedani aad nooga fog tahay. ayay yidhaahdeen

Sidoo kale Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa waftiga reer Yugandha kusoo dhoweeyey qado-sharaf.
Waftiga ayaa sidoo kale markii ay kasoo laabteen, gobolka Saaxil, waxay ay booqdeen xarunta aasaarta qadiimiga ah ee Laasgeel oo ay ku duugan tahay taariikhda Aasaarta qaadimiga ah ee qaarada Afrika


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured