Fadeexadaha Dul-hoganaya Shirkadaha Hormuud, Telesom Iyo Golis, oo Fudaydiyey Aplicationo Malaayin Dolar Lagaga Dhaco Umadda Somaliyeed...

0
Sunday May 05, 2024 - 01:05:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Shirkadaha Hormuud, Telesom Iyo Golis, oo Fudaydiyey Aplicationo Malaayin Dolar Lagaga Dhaco Umadda Somaliyeed...

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Shirkadaha Hormuud, Telesom Iyo Golis, oo Fudaydiyey Aplicationo Malaayin Dolar Lagaga Dhaco Umadda Somaliyeed...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadaha Dul-hoganaya Shirkadaha Hormuud, Telesom Iyo Golis, oo Fudaydiyey Aplicationo Malaayin Dolar Lagaga Dhaco Umadda Somaliyeed...
Shirkadaha isgaadhsiinta dhulka Somalida ugu weyn ee Hormuud, iyo faraceeda Telesom Somaliland iyo Golis-ta Puntland, ayaa si weyn u fududeeyey Aplicationo lacago khamaar ah laģu kala helo, kaas oo ah khamaarku wax ka xaaraan ah dadka Muslimiinta ah.
Aplicationadan ay fudaydiyeen shirkadaha isgaadhsiinta Soomaalida gaar ahaana Shirkada Hormuud, Golis iyo Faraceeda Telesom, waxay dadka ka ganacsada khamaarka ay siiyeen habab loogu sarifayo Lacagaha dadka doonaya inay khamaarka dhigtaan Lacagta oo uu ku Dirayo adeegga Zaad ama ka EVC Hormuud, iyadoo la isticmaalayo adeegyada Shirkadahan, ayuu qofku ku ciyaarayaa. 
Khamaarka ay Shirkada Hormuud iyo Telesom ay fudaydiyeen ayaa saamayn xun ku yeeshay dhalinyaro farabadan, oo ay galaafteen nafahooda iyo dhaqaalahooda iyo hantidooda oo ay ku waayeen ap-ap-ka khamaarka.
Waxa kaloo ay xanuuno ku rideen dad aad u badan oo ay haleeleen xanuuno dhinaca maskaxda iyo jidhka ah.
Khamaarka ay fudaydiyeen Shirkadaha Hormuud iyo Telesom, inay xaaran tahay ka sokow, waxay leeyihiin la qabsi iyo ku walfid aad u xun oo lamid ah ta daroogada ama xashiishka oo kale. Noocyada Khamaarkan Lacagaha ladhigto ayaa waxa ka mid ah 1XBET, Linbet, Betwener iyo kuwoo kale oo lamid ah, ayaa dadku Lacagaha dhigtaan Gamesyo iyo Ciyaaraha.
khamaaradan ayaa lacagaha lagu ciyaarayo waxa lagu dhigtaa oo fudaydiya Shirkada Telesom iyo Hormuud, apapkan, ayaa khasaare laxaadleh gaadhsiya bulshada isticmaasha, mana laha wax faa'iido ah, Warbaahinta Xogreeb Media waxa ay baadhitano ay samaysay ku ogaatay, boqolal kun oo dad ah inay ku waayeen  lacago ka badan kumanaan Dolar. 
Khamaaradan ayaan hadii aan si degdeg ah wax looga qaban oo dadka iyo dalkaba looga joojin keenaya inay baaba-do hantida umadda Somaliyeed, waxa jira dad Meherado haystay oo ku kacay, sidoo kale, dad kale waxanu ogaanay kuwoo hantidoodii sida Gaadiid iyo guryaba intay ibiyeen ku ciyaaray Khamaarka.
Shirkadaha Khamarada iska leh, ayaa Asalkoodu yahay ama laga leeyahay Israaiil, iyadoo hantida Gameska Khamaarka ah, umadda and ama Soomaliyeed deegaan kastaba ha joogaan lacagaha laga qaaday khamaar ahaan, ayaa lagu maalgeliya Ciidamada Israaiil ee xasuuqa ka wada dalka muslimka ah ee Israaiil.
Hadaba Ma la is odhan,karaa Shirkadaha  ka hawlgala dhulka Soomaliyeed, isla markaana lagu magacaabo Shirkada ay leeyihiin dad Soomaliyeed, in dhaqaalaheeda, la geeyo Israaiil.
Shirkadaha iska leh, khamaarka ayaa sida la xaqiiqiyey waxay ka faaiideen Lacago Malaayin dollar,  somaliya iyo Somaliland, waxanay kaalinta koowaad ka galeen dalalka ay mulkiilayaasha Shirkadaha Khamaarka ee fadhigeedu yahay Israaiil ka faaiideen 3 sanno ee lasoo dhaafay.
Haddaba Maxaa la Gudboon Xukuumadda Somaliland iyo Somaliya iyo weliba Culimada iyo aqoonyahan-ka lala dagaalo apapka Khamaarka, waxana waajib ah in khasaraha ay bulshadda hantidooda ku waayay lagula xisaabta Shirkadaha Hormuud iyo Telesom oo keenay hababka lacagaha Electricnica, isla markaana raali ka noqday hantida dadka Soomaliyeed lagu dhaco, khamaarka iyagga iyo sariflayaashooddu.
Si kastaba ha ahaatee waxa wax laga xidhoodo ah, in sariiflayaashu bixiyaan lacago lagu xayeysiinayo, khamaarka la dhigto lacaga, sidoo kalena dadka xayeysiinaya isagga ayay ceeb ku tahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured