Siyaasi Kayd oo Kashifay Xogo-Xasaasiya oo Ku Duugan Heshiiska Somaliland iyo Ethopia... Sababka dalalka Geeska Afrika qaarkood u Diiddeen...

0
Sunday March 17, 2024 - 07:53:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kayd oo Kashifay Xogo-Xasaasiya oo Ku Duugan Heshiiska Somaliland iyo Ethopia... Sababka dalalka Geeska Afrika qaarkood u Diiddeen...

    Siyaasi Kayd oo Kashifay Xogo-Xasaasiya oo Ku Duugan Heshiiska Somaliland iyo Ethopia... Sababka dalalka Geeska Afrika qaarkood u Diiddeen...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Kayd oo Kashifay Xogo-Xasaasiya oo Ku Duugan Heshiiska Somaliland iyo Ethopia... Sababka dalalka Geeska Afrika qaarkood u Diiddeen... "Madaxweynaha jsland isagoo ay banalka wada fadhiyaan Raysal-wasaaraha Ethopia wuxuu Cadeeyey Madaxweyne-kasta wuxuu ka fekeraa Danaha dadkiisa iyo Dalkiisa, rabitaankooda iyo Baahidooda, Sida awgeed baahida Anaga noogu wayn ee dadkaygu u baahan yihiin Waa aqoonsi Caalami ah oo ay helaan, EThopiana Baahideeda ugu wayni waa Saldhig badeed oo ay helaan, Labadaa baahiyood ayaanu isfahan ka yeelanay oo aanu is dhaafsanaynaa Maanta.
Ethopiana Sidaa si la mid ah ayey qawl iyo ficilba u Cadaysay in isfahanka Somaliland dhex-maray ay Aqoonsi iyo Saldhig ciidan oo ethopia laga kireeyo iyo qodobo kale ganacsi iyo wax is waydaarsi ahi labada dal dhex maray, Raysal wasaaruhu Xisbigiisa dhexdiisa wuu ka sheegay, baarlamaankiisa wuu ka dhex sheegay meelo kale oo dhawra wasiiradoodu way kaga dhawaaqeen.
Madax weynaha Somalia Xasan Sh isna wuxuu Si aan leex-leexad lahayn u Cadeeyey inaanay Ethopia u diidayn bad ay hesho balse ay diidan yihiin halka ay soo mareen, haddii ay iyaga soo maraana mid iyo lababa ay siinayaan.
Madaxweynaha jabouti iyo La taliyihiisu waxay iyana Sheegeen inaanu Madaxweyne muuse wax kale eegin ee wadankiisa uun uu eegay isla markaasna uu mindi dhabarka ka geliyey, la taliyuhu wuxuu sii raaciyey waxay ahayn inuu Ismaaciil Cumar geelle wax u sheego"...
Sidoo kale waxa u Siyaasi Kayd intaa raaciyay isagoo qoraalkiisa sii wata, 


"Gudoomiyaha Xisbiga UCID isna wuxuu Si aan gabasho lahayn u bayaamiyey is fahanka Ethopia ina dhex-maray inuu yahay dhaxal-gal wixii aynu 30ka sano sugaynay uu xambaarsan yahay waa in la taageeraa is-af garadkaas, faysal isna sidaas ayuu cadeeyey.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani xirsi Cali X. Xasan Stetementskiisii wuxuu gun-dhig uga dhigay, Muuse waxay ahayd intaanu ku dhaqaaqin saxeexa inuu la sii tashado Madaxweynaha Dawlada jabuti ee aynu walaalaha nahay.

Haddaba aragtiyaha kor ku xusan ee dhamaantood ku saabsan fekerka laga bixjyey Isfahanka dhex-maray Somaliland, haddii aan Sida ay isugu dhawyihiin u dhigno waa la fekerood oo kala ah.:-

1. Waxay ahayd in anaga nalaga tashado, nala soo maro, nala waydiisto, in naloo sheego midi sidaas ayey Macne ahaan ku arooraysaa, Waana aragtida jecel in laga noqdo, oo ay wax is bedelaan, had iyo jeer.

2. Feker labaad waxay ku arooraysaa,nin waliba isaga baahidiisa ka tashada, oo go'aankeedana iyadaa leh , ee Cidi uma soo goyso, wadadaa la marayna waa tii saxda ahayd. Aragtiyina waa sid7aa.

Kolkay sidaa tahay adiga muwaadin ahaan tee bay kula tahay inay dantaadu ku jirto, oo kuu ah fekerkii saxda ahaa oo ay tahay inay dadka reer Somaliland taageeraan.

Bal Maxay kula tahay adiga.?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured