Musharaxa Cirro oo soo Dhaweeyay Xeerka Doirashooyinka ee dhaqangalay

0
Sunday March 10, 2024 - 08:26:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 51
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Cirro oo soo Dhaweeyay Xeerka Doirashooyinka ee dhaqangalay

    Musharaxa Cirro oo soo Dhaweeyay Xeerka Doirashooyinka ee dhaqangalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Cirro oo soo Dhaweeyay Xeerka Doirashooyinka ee dhaqangalay
Hargeysa(Xogreeb.com)- Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo dhaweeyay xeerarka doorashooyinka ee soo dhamnaaday.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay barta Facebook waxaanu u qornaa qoraalkiisu sidan:-
"Waa bushaaro weyn iyo farxad la sugayey in maanta la saxeexo oo uu dhaqan-galo Xeerarka doorashooyinka isku sidan ee muddooyinkii ugu dambeeyey Jamhuuriyadda oo dhammi ku howllaneyd sidii uu ansixi lahaa una dhaqan geli lahaa.
Waxa aan mahadnaq u dirayaa dhammaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay in dalkeennu dib u qaado tubtii doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda oo ay ugu horreeyaan labada Gole Qaran ee Barlamaanka JSL, iyo daneeyayasha kale ee arrintan wax ka geystay.


Dalkan iyo dadkiisu waxa ay u baahan yihiin wada-jir, midnimo, wax wada-lahaansho, is aaminaad iyo in geeddiga qori isku dhiibku uu halkaa innooga sii socdo, taasina waxa ay ku imanaysaa in la qaado dhabo doorasho oo xor iyo xalaal innoogu dhacda.
Reer Somaliland oo dhan, gudo iyo dibedba, waxa aan ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan doorashooyinkii isku sidkanaa, Xisbiga WADDANI-na, waxa uu Qarankan u horseedi doono isbeddel ku dhisan Caddaald, Sinnaan & Wadajir. Iskuhaynta Dalka & Dadka.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured