Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 8,aad.

0
Tuesday April 18, 2023 - 09:38:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 8,aad.

    Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 8,aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 8,aad.

Soomaal/Soolis Dhaqankii ka Shib yidhi!. 

Waa Qormo kale iyo taxanihii Diirada aynu ku haynay ee ku Saabsanaa Ummada bariga Afrika ku Dhaqan, Bal Durkisiyo Dhawayso  iyo Saddex-Dacal ba '3D', ku Eegnee Xagee Milicsi Jalleec Daymo  Dayeynay?, Waxaynu Qoraal Qoraansi Fiiro Dhugasho Eegmo u Jeednay……………. Waxa isweydiin Mudan Taariikhdaa iyo Qoraalada Qadiimiga ah ee aan sheegayaa haday wax jira yihiin maxaan ula wadaagi waayey Ummada?, 

Runtii waa Su'aal wax ku ool ah ama caaqiiibo leh, Markaa waxa………….. Ugu Horayn Haboon inaynu is fahano iskuna garowno intii aanan ka jawaabin waydiin taa wax ku oolka ah,  ugu Horayn waxa aynu nahay Ummad ama Qoomiyad leh Dhaqankaa aan soo Xidhiidh Qoraayey, ee Qiraaya ama sheegaya Ciddaynu nahay!, hadana waxa aynu nahay Qoomiyad isku haysata dad kale ama ah Qoomiyad la yidhaahdo SOOMAAL/SOOLIS mana jirto wax inoo Dhaqan ah ama inoo caado ah oo muujinaaya ama tilmaamaya inaynu nahay Soomaal/Soolis, hase yeeshee indho adayg, Jujuub iyo wax runta ka fog oo Hallaasi ah ayeynu daliishanaa si aynu Waxaan jirrin iskugu Qancino!,

Tusaale hab qabiilka ay Soomaalida/Soolisda ay ku arrooraan ama Sheegtaan Reeraha ugu tunka weyni waa Carab Tusaale ahaan reeraha maanta ay hoyga u tahay Jamhuuriyada Barakaysani 99% waxa ay Sheegtaan in ay yihiin soogallooti aan degelka kasoo jeedin, haddana Afkii iyo Dhaqankii Hooyo waxa ay Rumaysanyihiin in uu yahay koodii! Bal amuurta iyo yaabka jira!. 

Waxa se ah wax kaa yaabinaaya Ummadan Soomaal/Soolis sheeganaysa ma jirto wax dhaqanka ah oo sheegaya in Soomaal/Soolis ay Qoomiyad tahay iska daa in ay dhaqan leeyihiinoo!, sida aynu taxanahan ugasoo sheekaynay Hooyoleyda Dhaqan iyo murti waxa qiraayey ee aynu isla wada garanaynay, Ma jirto wax Murti iyo xigmad dhaqan ah oo jira oo ay Soomaal/Soolis ku suntantay, marka laga reebo Ereyo ama Arraar ah Catow, Callaacal, Calloolyow, Ceebbayn iyo isfaanin! Oo lagu ladho Erayga SOO-MAAL, weliba kuwaas oo aan dhaafsiisnayn qarnigii 20aad!.

Tusaale:- Calankii ugu Horeeyey ee Dadka Soomaal/Soolis la yidhaahdaa wuxuu ahaa Calankii midabkiisu aanu Magaca ku lahayn Afka Hooyo ee Guumaystihii Talyaanigu u wada sameeyey Itaaliya-Soomaaliya/Itaaliya-Soolisiya iyo Dalka Liibiya ee Cir-Abaarka ama Cir-Jiilaalka u eekaa ee aan Daruur warkeeda daaye aan Caadka lahayn, ee isagoo Cir-Dharaar, la midabka ah hadana Xiddigta gamnada ah lahaa!, ee loogu Heesaayey, (Qoloba Calankeedu waa Cayn inaga keenu Waa Cirka oo kale oo aan Caad lahayn), "Cir aan Caad lahayn = Cir Abaareed!", Calaankaa Cir-Abaarka ahaa waxa uu ahaa sumad Gaashaan oo ka wada dhexeeyey Italiya-Soomaaliya/Itaaliya-Soolisiya iyo Dalka Liibiya oo Talyaanigu wada Gumaystay, Halka Biritish-Somaliland/British-Solisiland iyo Dalka Waqooyiga Eerland uu Isticmaarkii Ingiriis kawada dhaxeysiiyey Sumad gaashaankii Goodirka ahaa ee iminkana sumada Booliska u wada ah Somaliland/Solisiland iyo Soomaaliya/Soolisiya. 

Waxa iyana Jira in Ummado Aduunka ku guud sugan ay Xiddigo Calankoodu leeyahay kuwaas oo ku sheega Xiddigtii Hebal sida reer ilma Israa'iil oo Xiddigta Calankooda Cirka iyo Cadaanka ah Sida ka Soomaal/Sooliska hadana leh Xiddigta lixda giftin ama geesood leh, Xiddigtaa oo ay ku sheegaan Xiddigtii Nabi Daa'uud CS, Bal eeg Xiddig lix daraf leh ayaa lagu leeyahay waa Xiddigtii Hebal, Sidoo kale wadanka Maraykanku wuxuu leeyahay Calan Xiddigo badan oo shan geesood ah waxayna ku sheegaan inay ku muujinayaan wadamada isku taga Maraykanku ka kooban yahay, iyaga oo Wadan kastaa liid iyo Xiddig calan leh uu gaar u qoton sadaan, hadana xiddigaha ay isku biirsadeen ayey cudud ku muujistaan!. 

Dhanka kale Soomaal/Soolis ayaa ku andacooda in Xiddigta Shanta Cidhif leh ee calanka Cir-Abaarka ku taala laga wado Shan Soomaal/Soolis!, Anigu garan maayo Xiddig kaliya siday Shani u wada yeesheen, se haday kala baxaan ma mid iyo giftin ayey u kala Goosan? mise qolaa loodaynayaa? Xiddig kali ahi waa harag Sakaaro oo kale, Harag Sakaaraa iiga kac mooyee iga durug malaha!, sikastaba ha ahaatee anigu garanwaayey Shantaa Soomaal/Soolis xaga ay ku noolaan jireen isticmaarka hortii, Maxaa yeeley Dhulka bariga Afrika taariikhihii guunka ahaa iyo Qoraalada Qadiimiga ah ee ku xardhan wax Soomaal/Soolis leeyahay ma jirto mana jiri jirin, waa Bishii barakaysnayd maalmihii ugu danbeeyey ee barakada habeenka Qadarka/Khadarka la raad guranaayoo beentu reebane, Hase ahaatee Degelka afrikada Bari gaar Ahaan Jamhuuriyada Barakaysan aasaar iyo Qoraalo kala duwan ama Ummad kala dhaqan ah Raadraac ayleeyihiin waa jiraa, hase yeeshee wax Soomaal/Soolis ah ma jiraan Magac-dhow ama Magacaabisna ha ahaatee!. 

Hadii se aynu eegno Sooyaalka Taariikhdii Qarnigii 20aad waxa aynu ka dheehan karnaa odhaahyo u badan Catow iyo Callool-yow ay ku Xusan tahay Erayga Soo-maal. 

Sida "Soomaaliyey Toosa, Toosa oo isku Tiirsada!, Waar ha iska Hurdaane iska daa!, Maxaa se layskaga tIirtiirinayaa ma Alwaaxbaa mise waa Ood Dhaab? Waa halkii Aw-ku-Tiiriyee Sikastaba ha ahaato u raaciya Dee! ", 

Isna Ninkii la odhan jiray Cilmi Boodhari (Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo) ee inanta Kalgacaylka u qaaday waatii Soomaal/Soolistu layaabtay ileen Dadku ma oga in Jacayl iyo Soomaal/Soolisku Dab iyo Foox iskuyihiine, Waa kii Illaahay Haw naxariistee Cilmi Boodhari yidhi Markuu ka yaabay Caado Xumaanta Soomaal/Sooliska ee lahaa (Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye

Sayidkii carshiga fuuliyo Caliba soo gaadhye

Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye

Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe

Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene



Soomaalidaa caado xune iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye), Bal Soomaal/Soolis Caado xumadooda eega, Hooyoleyda dadkii ahaa Boqor Hillowle =Jacayl-leh la odhan jiray ayaa soomaray,  boqortooyooyinkii Ummadii Hooyoleyda ahayd, inkastoo Boqorkii ugu horeeyey ee Hillowle (Jacayl-leh) uu ahaa boqortooyooyinkii ka maamul horeeyey Boqortooyadii Hooyoleyda ee ay lahaayeen dadkii Hooyoleyda noqday, Hase yeeshee Boqorkii ugu horeeyey ee Hooyoleyda Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee, waata isna lagu Amaanay inuu Kalgacal ama Jacay lahaa marka la leeyahay (HOOBBAALAYOW HOOBALLOW HELNAY HILLOWLEH = HOOYOLEY-DAYDIIYEY HELNAY HOBALLOW DAREEN KALGACAL LEH AMA DAREEN JACAYL LEH). 

Waxa iyana jirta in Soomaal/Sooliska u Caado tahay in Kalgacalku ama Jacaylku ama Hillowgu yahay wax laysku caayo!, waayo Hadii ay arkaan lamaane ah Say iyo Afadiisii oo isku qaba oo isku haya dareen kalgacal leh, waa lagu Caayaa!, oo waxay Soomaal/Soolis Yidhaahdaan waa nin Nacas ah ama waa naag Nacas ah!, waayo Naagtiisuu Jecelyahay ama ninkeeday Jeceshahay!. 

Hadii aynu eegno hal-kudhigyada ama Hal-qabsiga, Soomaali /Soolisiga ay iskugu qirayaan ama iskugu markhaati kacayaan inay Soomaalidu/Soolisidu dad Dun Xun oo aan wanaagsanayn yihiin, waa sida ay iyagu iskugu qirayaan Hal-qabsiyadan Bal eega!, "Soomaalidu Waa Suntii Hargaha", "Soomaali ileen Soomaali waa u Sun iyo Waabay" "Soomaali Caado Xun", "Soomaali Cadowgii waa Soomaali", "Soomaali Soomaalibuu u Muruq goostaa ama u Turuq weynyey", "Soomaalidu Hal ama Rayi  ayey weligood isku raaceen oo waa inaanay weligood heshiis noqon", "Soomaali Ood-wadaagii waa Cadowgii, kii ka durugsana wuu Caayaa", "Soomaaliyey Suldaano lyo Sumaddo badan". (eeg wadanka ingiriiska Dadka ku Dhaqani waa Ummad kor u dhaafaysa 80 milyan oo waliba shan Maamul Gobol lyo Afaf dhowr ah deegaamo ku hadlaan Hadana Boqor keliya ama Qudha ama Mid ah ama Hal ah ayey wada leeyihiin oo ka dhaxeeya), 


Dhanka kale Dadka Soomaal/Soolis waa  Ummad Isku Af, Diin, Midab, Muuqaal, Maryo, Duunyo, Dallag, Murti, Ciyaar, Cunto iyo Magac ah, hadana midna ma ogola midka kale oo Madaxweyne ama Boqor  gaar u ah, oo uu u hogaansamo waxa uu soo jeediyo ayuu Leeyahay kuwaas oo awood siman leh hadana waxa lagu kala magacaabaa magacyo kala duwan Sida (Ugaas, Suldaan, Boqor, Garaad, Malaaq, Wabar, Islow, Caaqil, Beel-daaje, Nabad-doon, Isin IWM), hadii la qiyaaso inta Madax Dhaqameed ee Dadka Soomaal/Soolis ku leeyihiin KUMANAAN kor way u Dhaafayaan tirada  Soomaal/Soolis ka Dadka sheegta iyana waxa lagu qiyaasaa 15-20 malyan oo ruux, waa tiro u dhiganta 4 ama 5 meelood meel tirada Dadka ingiriiska ah ee kala dhaqan iyo Afka ah ee Boqorka kaliya wada leh Bal amuurta Illaahay!. 


Hadaba iyada oo Dadka Soomaal/Soolisku Dhaqan San ka Agno yihiin iyo wax magacooda lagu ladho, hadana waxa jira wax keli ah oo magaca Soomaali/Soolisi laraaclyo kaas oo ah AQAL-SOOMAALI/AQAL-SOOLISI!, Aqal-Soomaal-Aqal-Soolis waa (BUUL), waa aqal laga sameeyo ulo lyo Ood iyo caws waayo aqal Soomaal/Soolis wuxuu ahaan Jiray WAAB se Markii Hooyolaydii Daaraha ama Sarta iyo Fooqyada dagenaa, ay Soomaali-yoobeen Runtii Aqal-Soomaal-Aqal-Soolis way casriyeeyeen se maxay uga taalaa hadayna Dib ugu heesahayn 'nin daar ku jiraa Daruur ma ogee ileen xalay roobkii baa da' ay', wax kale oo Soomaal/Soolis uu raacaa ma jiro!, Dhaqan iyo Caado toona, waa Baabacada oo timo kasoo baxaan! 


Bal Hadaba Dadku Soomaali/Soolisi ayey isku wada haystaan aan sal iyo raad lahayn, waana Ummad Hallaasi ku dhaqan oo aadan wax jira laga dhaadhicin karin ama runta iyo xaqiiqada ku Qancin! waayo Hadii arin idiin dhex maro oo maxkamadna aad isla tiigsataan, wixii kasoo baxa maxkamadna kuma qancaan oo waxa ay ku odhan Dhanka maamul Dhaqankana ina gee, waxaana sii xigi wadaadada iyana inoo gee iyo Dhanka Diinta! Markaa qofka qaba ama isku haysta inuu yahay Soomaali/Soolisi waxba kama dhaadhicin kartid isna wax kuuma soo daliishan karo uu kugula doodo qancin ha joogee!. 


Bal markaa hadaan ku noqdo waydiintii maqaalkan Mar hadii Ummadii isku haysato wax aanay cadayn u hayn wixii cadaynta loohaeyna u muuqan Dee malaha Ummadu way Qataaran yihiin ama Baaban yihiin?!, 


Waayo waxa ay ahayd sanadkii 2021 kii markii aan……… Lasoco taxanaha. 


Soomaali Ood-wadaagiina waa Cadowgii,


 kii ka durugsana wuu Caayaa. 


Fuad Fartaag   18-04-2023. 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured