Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Cabdirasaaq Khaliif Oo Ku Sugan Magaalada Jig Jiga Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Safarkiisa!

0
Saturday March 11, 2023 - 20:32:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Cabdirasaaq Khaliif Oo Ku Sugan Magaalada Jig Jiga Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Safarkiisa!

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Cabdirasaaq Khaliif Oo Ku Sugan Magaalada Jig Jiga Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Safarkiisa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Cabdirasaaq Khaliif Oo Ku Sugan Magaalada Jig Jiga Iyo Xogaha Laga Helayo Ujeedada Safarkiisa!
JIG JIGA(Xogreeb)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirasaaq khaliif Axmed ayaa ku sugan magaalo madaxda Ismaamulka somalida itoobiya Ee jig jiga, isagoo maalintii shalay ku yimid safar dhinaca dhulka oo uu kaga soo kicitimay magaalada laascanood, oo ku sugnaa labadii bilood ee udanbeeyay taasi oo ay taagnaayeen xaalado dagaal Oo uu udhexeeyay ciidamada somaliland iyo kooxo deegaanka ah, punthland iyo meelo kale iska soo urur saday, oo dagaal kula jiray ciidamada Somaliland.
Safarka gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland oo isagu sheegay in uu la dareen yahay dadka reer sool iyo go,aamadii ku lid ahaa joogi taanka Somaliland ee ay soo saareen garaadada beelaha dhulba hante. Islamarkaana eedo culus ujeediyay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi oo uu sheegay in laascanood xasuuq ka gaystay,
Ujeedada safarka gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ayaa lagu sheegay in la xidhiidho dhex dhexaadiintii dawlada itoobiya ka dhex waday somaliland iyo waxgaradkagobolka sool kuwaasi oo ay hore ugula kulmeen magaalada garoowe ee maamulka punthland ay halka ay waftiga itoobiya ka socday kulan caasimada hargaysa kula qaateen madaxwaynaha Somaliland.
Sidoo kale wararka laga helayo safarka gudoomiye khaliif ee magaalada jig jiga ayaa intaa ku daraya in uu kulan la qaadan doono madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida mustafe muxumed cagjar oo xukuumada somaliland ku eedaysay in uu qayb ka ahaa colaada ka taagan magaalada laascanood islamarkaana dagaalada dhexmaray ciidanka somaliland lagu qabtay askar katirsan ciidanka dawlad deegaanka ee liyuu booliska, wallow ay maamulka madaxwayne cagjar iska fogeeyeen eedahaasi uga yimid somaliland,
Dhanka kale gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ayaa lafilayaa in uu magaalada jig jiga uga sii gudbo magaalda adis abaaba ee itoobiya taasi oo lagu wado in ay ka qabsoomaan wada hadalo ay dawlada itoobiya wado oo udhexeeya garaaradda gobolka sool iyo xukuumada somaliland oo ay qayb ka yihiin madaxdhaqameedkii reer somaliland oo iyagu isku xilqaamay xal uhelida dagaalka magaalada laascanood, kuwaasi oo mudo gogol nabadeed ufadhiyay magaaalada caynabo wallow aanay suurto galin in ay kulan la qaataan madxadhaqameedka gobolka sool,
Waxaa sidoo kale magaalada adis ababa ee caasimada itoobiya ku sugan musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro oo la sheegay in uu isagu halkaasi utagay arimo la xidhiidha wada hadalka somaliland iyo garaadada g, sool xili uu la aragti yahay gudoomiye khaliif oo ah mudane kasoo baxay xisbigiisa, taasi oo laga shaki qabo in ay dhinac ka noqdaan aragtida xal uhelida laascanood ee xukuumada somaliland aaminsan tahay.
Wixii kazoo Kordha kala Soco Wararkeena Danbe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured