Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo ay diiwaangelintu ka socoto.

0
Thursday December 29, 2022 - 14:53:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo ay diiwaangelintu ka socoto.

    Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo ay diiwaangelintu ka socoto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo ay diiwaangelintu ka socoto.
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku gudo jira kormeer uu ugu kuurgelayo hannaanka ay diiwaangelinta cod-bixiyayaashu uga socoto degmooyinka kala duwan ee Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta soo kormeeray qaar kamid ah degmooyinka gudaha Hargeysa ee ay shacabku iska diiwaangelinayaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeerkiisa kusoo indho indheeyey hannaanka ay shacabku isu diiwaangelinayaan, isaga oo indhihiisa kusoo arkay dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, kuwaas oo madaxweynaha kusoo  dhaweeyey sacab.


Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegaystay madaxda Komishanka doorashooyinka ee goobaha uu booqday maamulayey, waxana ay sheegayeen inay bulshadu si xawli ah isu diiwaangelinayso.

Madaxweynaha waxa kormeerkiisa ku wehelinayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, Mudane, Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Ganacsiga Mudane, Muuse Ibraahim Salaf, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Cilmi Axmed iyo Maayarka caasimadda, Mudane, Cabdikariin Axmed Mooge, sidoo kalena madaxweynuhu waxa  uu  mid kamid ah goobaha diiwaangelinta kula kulmay guddoomiyaha urur-siyaasadeedka KAAH, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured