Madaxweynaha Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka

0
Sunday December 11, 2022 - 16:23:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka

    Madaxweynaha Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Meel Mariyey Xeerka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto Madaxweyne oo uu maanta soo saaray waxa uu ku meel mariyey Xeer Madaxweyne sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan:

 Xeer MADAXWEYNE-11-12-2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay  Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
 
Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022
 
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha
 
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;
 
Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;
 
Markaan Ku-qancay:  Soo-jeedinta wakhtiga qabashada  Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
 
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
 
In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.
 
 
Allaa Mahad Leh
 

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured