Saudi Arabia Oo 2 Iyo 1 Kaga Badiyey Argentina

0
Tuesday November 22, 2022 - 15:32:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saudi Arabia Oo 2 Iyo 1 Kaga Badiyey Argentina

    Saudi Arabia Oo 2 Iyo 1 Kaga Badiyey Argentina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saudi Arabia Oo 2 Iyo 1 Kaga Badiyey Argentina Doxa, (Xogreeb.com) – Xulka Kubadda Cagta ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka keenay Koobka Aduunka ee ka socda dalka Qatar kadib Markii Xulka Argentina ay kaga Naxsadeen 2 gool iyo hal.

Ciyaar xiiso leh oo ka tirsan Koobka Aduunka oo dhexmartay xulalka Sucuudi Carabiya iyo Argentina oo ka wada tirsan Group C ayaa ka dhacday garoonka the Lusail stadium, waxaana xulka Argentina loogu awood sheegtay laba gool iyo hal ay guushu ku raacday Sucuudi Carabiya.


Ciyaaryahanada Sucuudiga ee Al-Dawrsani iyo Al Shahrani ayaa kubadd quruxbadan ugu dhaliyey Sucuudiga labada gool ee ay kaga badiyeen Xulka uu Messi ka tirsan yahay.

Waxaana la arkayey laacibkooda aduunka Leonal Messi oo guuldarada soo gaadhay awgeed garoonka ka dhex kici kari la’.

Labadan xul ayaa ciyaartoodii 1aad ee Koobka Aduunka ee Qatar ka socda ay isku haleeleen, waxaana socda debaaldagyo lagu taageerayo xulka Sucuudiga guusha ay gaadheen darteed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured