Maxaa Ku Cusbaa Koobka Aduunka Ee Caawa Ka Furmay Dalka Qatar

0
Monday November 21, 2022 - 00:10:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ku Cusbaa Koobka Aduunka Ee Caawa Ka Furmay Dalka Qatar

    Maxaa Ku Cusbaa Koobka Aduunka Ee Caawa Ka Furmay Dalka Qatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ku Cusbaa Koobka Aduunka Ee Caawa Ka Furmay Dalka Qatar Doxa, (Xogreeb.com) - Munaasibad balaadhan oo lagu furayey koobka Aduunka ee kubadda cagta oo ay sanadkaan 2022-ka ay marti galineyso Qatar ayaa markii ugu horaysay Taariikhda lagu furay Quraanka Kariimka ah
Koobkan ayaa ah midka ugu xiisaha badan dunida oo idil waxaana uu qabsooma afartii sanaba mar waxaana koobkan ciyaara ilaa 32 dal oo ka mid ah dalalka dunida.
Dalkan yar ee Muslimka ah ee Qatar ayaa soo saaray shuruudo iyo waxyaabo ka mamnuuc ah inta uu ka socdo koobka Aduunku dalkeeda.

Waxaana ka mid ah waxyaabaha la mamnuucay Cabista Khamriga, Astaamaha iyo Ficilada dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya iyo arimo kale.
Hasre yeeshee kulankii ugu horeeyay ee ay idkaga horyimaadeen Xulalka Qatar iyo Ecuador ayaa ku soo dhamaaday 2 iyo 0 lagaga badiyey xulka dalka Qatar.

Garoonka AlBeyt  ee dalka Qatar waxaa ku sugan madax kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxda dalka martigalinaya koobkaan ee dalka Qatar oo uu ugu horeeyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim Bin Xamad, Madaxweynaha Hay’adda ugu sareysa Kubadda cagta FIFA Gianni Infantino, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Madaxweynaha dalka Algeria Abdelmadjid Tebboune, Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall, madaxweynaha dalka Rwanda Pual Kagame iyo taageerayaal farabadan oo ka kala socda labada xul iyo kuwa usoo daawasho tagay ciyaaraha koobka Aduunka.
Waxaana jira dad badan oo usoo daawasho tagay Koobka Aduunka ee ka furmay Qatar oo durtaba Muslimay ama qaatay diinta Islaamka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured