Taliska Booliska Somaliland Oo Beeniyey Inaanu Jirin Wax Qarax Ah Oo Hargeysa Ka Dhacay

0
Wednesday November 16, 2022 - 00:01:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Booliska Somaliland Oo Beeniyey Inaanu Jirin Wax Qarax Ah Oo Hargeysa Ka Dhacay

    Taliska Booliska Somaliland Oo Beeniyey Inaanu Jirin Wax Qarax Ah Oo Hargeysa Ka Dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliska Somaliland Oo Beeniyey Inaanu Jirin Wax Qarax Ah Oo Hargeysa Ka Dhacay
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Taliska Booliska Somaliland ayaa beeniyey warar been abuur ah oo lagu sheegay in qarax uu caawa ka dhacay Hargeysa.
Taliska Booliska oo war ka soo saaray arintaasi ayaa yidhi "Taliska Guud ee ciidamada Booliska Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadaynayaa inaanay Jirin Wax Qarax ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeisa ee caasimada Somaliland.
Waxaanu Bulshada u Cadaynaynaa in Agagaarka Dahabshiil Gargaar Agteeda Banjarle Ama Goomayste Ku Yaala oo banjarinaya Tayir ay Wax isaga uun ku kooban oo sameeyay Qaraxyar dhaceen, kaas oon ahay wax dibdakaga yimi waxaana dhawac fudud  soo gaadhay Banharlihii iyo qof la shaqaynayay oo xaaladooda caafimaad oo fudud lagu dabiibayo cusbitaalka guud ee hargeisa.
Hadaba Ciidamada boolisku waxa Ay Baadhitaan Ku Hayaan Wixii Sababay Dhacdadii Goobtaasi ka dhacday.
Taliska Guud ee ciidamada boolisku waxa uu digniin u dirayaa cidkasta oo ku hawlana Fidinta wararka Boro Bogaada ah gaaro ahaan kuwa beenta Qoraya Iyo kuwa ka qaadanayaba.


XAFIISKA WARBAAHINTA 
CIIDANKA BOOLISKA JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured