Dawlada Somaliland Oo Fariin u dirtay Beesha Caalamka.

0
Tuesday November 15, 2022 - 23:56:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliland Oo Fariin u dirtay Beesha Caalamka.

    Dawlada Somaliland Oo Fariin u dirtay Beesha Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Somaliland Oo Fariin u dirtay Beesha Caalamka.
Hargeysa, (Xogreeb.com) - War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland beesha caalamka u xaqiijinayso in Somaliland tahay nabad iyo waddan xasilloon, oo aanay wax shaqaaqo ahi ka taagnayn waqti xaadirkan, sidoo kalena xuquuqda distuuriga ah ee muwaadiniintu ilaashantahay. 
Waxa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in xukuumadda hadda Somaliland ka jirtaa tahay mid sharci ah oo qaab dimuqraaddi ah iyo doorasho lagu soo doortay. 
War-saxaafadeedkani wuxuu soo qaatay shirkii wasiirrada ee u dambeeyey, oo lagu go'aamiyey in doorashada lagu qabanayo jadwalka Komishanka Doorashooyinku asteeyey. 
Ugu dambayn, war-saxaafadeedkani wuxuu ugu baaqay mucaaridka iyo muwaadiniintaba inay shuruucda dalka u taalla raacaan, oo ay ka digtoonaadaan wax kasta oo khalkhal galinaya xasilloonida dalka sida qoraalka lagu sheegay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured