Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada

0
Wednesday November 09, 2022 - 14:49:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada

    Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Gudida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiilada ayaa waxaa war bixin ku saabsan Miisaaniyada Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Kababka Dawladaha Hoose lagaga dhegaystey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda, iyadoo ay hor taallo Golaha Wakiilada Miisaaniyadda Qaranka ee 2023.


Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa war bixin dhamaystiran Siiyey Guddida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada,isagoo ka war bixiyey guud ahaan Miisaaniyadda Wasaaradda, dhaqaalaha ay Dawladaha Hoose ka helaan Xukuumadda dhexe, taasoo soo marta Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka wada jawaabay Su'aalihii ay weydiiyeen Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada,iyadoo kulankuna ku soo dhamaatay isfaham buuxa iyo wada shaqaynta Gudida Dhaqaalaha iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Cabdilaahi Axmed Caarshe 
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured