Madaxweynaha Somaliland Oo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Maxamed Cismaan Mire (Sayid)

0
Saturday October 22, 2022 - 22:45:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Maxamed Cismaan Mire (Sayid)

    Madaxweynaha Somaliland Oo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Maxamed Cismaan Mire (Sayid)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Bahda Saxaafada Ka Tacsiyadeeyey Geerida Maxamed Cismaan Mire (Sayid)
Hargeysa, (Xogreeb.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ku geeriyooday dalka Ethiopia caawa oo ay taariikhdu ahayd 22/10/2022.


Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, xilal kala duwana u soo qabtay Qaranka Somaliland, intii danbena mihnaddiisa warbaahineed ugu adeegayey shacbiga iyo dalkiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 

ALLAA MAHAD LEH
 
 Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured