Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Gudoomiye Saleebaan Inuu Golaha Guurtida Hargeeyo Xeerkii Ay Waxkabadalka Ku Sameeyeen

0
Tuesday September 27, 2022 - 16:10:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Gudoomiye Saleebaan Inuu Golaha Guurtida Hargeeyo Xeerkii Ay Waxkabadalka Ku Sameeyeen

    Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Gudoomiye Saleebaan Inuu Golaha Hargeeyo Xeerkii Ay Waxkabadalka Ku Sameeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ugu Baaqay Gudoomiye Saleebaan Inuu Golaha Hargeeyo Xeerkii Ay Waxkabadalka Ku Sameeyeen Hargeysa, (Xogreeb.com) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa guddoomiyaha guurtida ugu baaqay in uu xeerarka doorashooyinka ee ay soo celiyeen hor dhigo golaha Guurtida.
War qoraal ah oo uu guddoomiye Khaliif soo saaray ayuu ku sheegay in soo celinta xeerarka doorashooyinka ee golaha guurtidu ay dib ugu soo celiyeen wakiiladu, anay ahayn mid leh as aas sharci.

"Qoraalka soo celinta ah ee aad golaha wakiilada usoo gudbisay ma laha asaas sharci oo waafaqsan xeer hoosaadka golaha guurtida, waxaana waajib ku ah gole waynaha guurtida in ay ka gutaan waajibaad kooda dastuuriga ah" ayuu yidhi Khaliif.

Waxa uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan usoo jeediyay in uu ixtiraamo dastuurka isla markaana uu xeerarkan wax ka badalka lagu sameeyay uu hor dhigo gole waynaha guurtida si ay cod ugu qaadaan.

"Mudane guddoomiye waxan kusoo jeedinayaa adiga oo ixtiraamaya dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha guurtida, in xeerarkan golaha wakiiladu wax ka badalka iyo kaabista ku sameeyay aad hor dhigto gole waynaha si ay waajib kooda dastuuriga ah uga gutaan" ayuu yidhi Khaliif.

Shirguddoonka golaha guurtida ayaa Isniintii golaha wakiilada dib ugu soo celiyay xeerarka kala ah, Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Somaliland Xeer Lr 91/2022 iyo  Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Axsaabta Siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Xeerarkan oo golaha wakiiladu wax ka badal iyo kaabis ku sameeyay ayaa la filayay in guurtidu ay cod ku aqbasho ama ku diido lakiin Guddoomiye Saleebaan, ayaa sheegay in xildhibaano ka badan kuwii xeerka meel mariyay ay dacwad usoo gudbiyeen sidaana uu dib ugu celiyay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured