Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha Caynaba

0
Sunday September 18, 2022 - 17:01:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha Caynaba

    Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha Caynaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland oo xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha Caynaba
Caynaba, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Saraar, ayaa  dhagax-dhig iyo kormeer ku sameeyey dhismeyaal iyo mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Caynaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo laba dabaq ah oo loo bineeyey Baanka dhexe ee Somaliland, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasaaradda horumarinta Biyaha ee magaalada Caynaba, waddo casri ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada iyo mashruuca weyn ee lagu macaaneeyey biyaha ceelka caanka ah ee caynaba oo marka hore biyihiisu ahaayeen qadhaadh aan cabbitaanka ku habboonayn.


Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu soo kormeeray mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu waddo, kuwaas oo ay kamid yihiin garoonka kubbadda cagta ee magaalada iyo Dhaam-biyood weyn oo qodistiisu ka socoto duleedka Koonfureed ee magaalada magaalada Caynaba, kaas oo looga gol leeyahay in lagula tacaalo biyo yaraanta jirta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured