Xisbiga UCID Oo Ajiibay Guddida Diiwaangalinta Ururada, Una Gudbiyey Documantiyo

0
Saturday September 17, 2022 - 18:56:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Ajiibay Guddida Diiwaangalinta Ururada, Una Gudbiyey Documantiyo

    Xisbiga UCID Oo Ajiibay Guddida Diiwaangalinta Ururada, Una Gudbiyey Documantiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga UCID Oo Ajiibay Guddida Diiwaangalinta Ururada, Una Gudbiyey Documantiyo

Hargeysa, (Xogreeb.com) – Masuuliyiinta xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta u gudbiyey guddida Diiwaangalinta Ururada Siyaasada macluumaadka documantiyada xisbiga UCID, maadaama oo sharcigu uu dhigayo in 10-kii sanoba mar la cusboonaysiiyo xisbiyada dalka.

Masuuliyiinta Xisbiga UCID ayaa sheegay in ay sharciga ixtiraamayaan isla markaana aanay marnaba ka soo horjeedin hay’adaha dawlada ee guddidani ka midka tahay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gudida diiwaangalinta Siciid Maxamed Cilmi (Siraadle) ayaa ku amaanay xisbiga UCID sida uu uga soo jawaabay baaqooda iyo inuu noqdo xisbigii ugu horeeyey ee gudida usoo gudbiya Macluumaadkii ay uga baahnaayeen.

Dhinaca kale xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in ay sharci tahay in 10-kii sannoba mar dib loo diiwaangaliyo urruro cusub, isla markaana aanay furista urrurada kasoo horjeedin. "Nidaamka urruradu, waa nidaam sax ah oo sharci ah, 10-kii sanno in mar doorashadaas la galo, arrin khilaaf ah na maaha, oo sida loo sawirayo arrin laysku haysto maaha,” ayuu yidhi xoghayaha xisbiga Waddani.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured