Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Hoggaan

0
Saturday September 17, 2022 - 18:47:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Hoggaan

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Hoggaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Hoggaan

Hargeysa, (Xogreeb.com) – Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iska dhex doortay hoggaan cusub.

Gudidda Doorashooyinku waxay Gudoomiye u doorteen Muuse Xassan Yuusuf, halka ay Gudoomiye ku xigeena u doorteen Axmed Cismaan Xasan, sidoo kale Cabdicasiis Xirsi Warsame – ayay u doorteen Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sida lagu sheegay war qoraal ak oo ka soo baxay gudidaasi doorashooyinka Qaranka.

"Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL iyaga oo fullinaya Xeer91/2020 iyo Xeerhoosaadka KDQ, maanta oo bishu tahay 17. September. 2022 waxay doorteen hogaankii haggi lahaa sida hoos ku qoran:

Muuse Xassan Yuusuf – Godoomiye KDQ


Axmed Cisman Xassan – Gudoomiye Kuxigeen KDQ
Cabdicasiis Xirsi Warsame – Afhayeenka KDQ

Waxaan bulshada JSL ee sharafta leh waxaanu ka codsanaynaa innay noo soo duceeyaan, Ilaahay ha nagu guuleeyo in Qaranka JSL aanu u horseedno guul hor leh oo taariikhda gasha.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured