Berbera: Madaxweynaha Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Shaybaadhka Tayada Cuntada Iyo Daawada Somaliland

0
Wednesday September 14, 2022 - 19:46:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera: Madaxweynaha Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Shaybaadhka Tayada Cuntada Iyo Daawada Somaliland

    Berbera: Madaxweynaha Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Shaybaadhka Tayada Cuntada Iyo Daawada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera: Madaxweynaha Biixi Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Shaybaadhka Tayada Cuntada Iyo Daawada Somaliland
Berbera, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somailand, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray shaybaadhka casriga ah ee hubinta tayada cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo (Cosmatics).

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo lagu qabtay xarunta hay’adda dhawrista tayada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda hay’adda dhawrista tayada, shaqaalaha hay’adda iyo marti-sharaf kale, waxana uu ugu horrayn madaxweynuhu kormeer kooban ku sameeyey qaybaha kala duwan ee ay hay’addu ka kooban tahay mishiinnada casriga ah ee baadhista loo isticmaalayo ee shaybaadhka goobta ku rakiban.


Ugu horrayn guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane, Mukhtaar Maxamed Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay guusha ballaadhan ee qaranku ku gaadhay inuu yeesho shaybaadh casri ah oo lagu baadho cuntada, daawada iyo agabka la isku qurxiyo, waxana uu caddeeyey inuu qaranku shaybaadhkan geliyey dhaqaale aad u tiro badan, kaas oo looga gol leeyahay in la helo shaybaadh tayo leh oo lagu dammaanad qaadayo ilaalinta caafimaadka iyo fayo qabka bulshada isticmaasha wax kasta oo laga soo dejiyo marsada Berbera.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmedo kooban ka jeediyey munaasibadda xadhig-ka-jarista, ayaa masuuliyiinta hay’adda dhawrista tayada iyo shaqaalahoodaba ku bogaadiyey tallaabada ay hore u qaadeen, waxana uu kula dardaarmay inay si xilkasnimo iyo daacadi ku jirto ugu shaqeeyaan shaybaadhka casriga ah ee qaranku yeeshay, aqoontooda la xidhiidha hubinta tayada iyo shaybaadhkana kor u qaadaan oo ay ku filnaadaan hawsha. Baaxadda leh ee shaybaadhku u baahan yahay.

Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured