Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Berbera Si Diiran Loogu Qaabilay

0
Wednesday September 14, 2022 - 18:15:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Berbera Si Diiran Loogu Qaabilay

    Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Berbera Si Diiran Loogu Qaabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Oo Berbera Si Diiran Loogu Qaabilay
Hargeysa, (Xogreeb.com) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka kaga ambo baxay Hargeysa, ayaa gaadhay magaalo xeebeedda Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Kumannaan katirsan shacabka reer Berbera oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad iyo waddaniyadi.

Qaybaha kala duwan ee shacabka reer Berbera oo ay hoggaaminayaan maamulka gobolka iyo midka degmada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey gudaha magaalada, kuwaas oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo madaxweynaha qaranku uu socod lug ah masaafo dheer la lugeeyey bulshadii halkaas kusoo dhaweysay.
 
Sidoo kale, madaxweynaha iyo weftigiisa waxa si diirran loogu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, waxana caleemo qoyan ku qaabilay bulshada deegaannadaas ku dhaqan oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo.
 
Wa-bilaahi Tawfiiq



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured