Madaxweynaha Somaliland Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey

0
Monday August 15, 2022 - 22:40:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey

    Madaxweynaha Somaliland Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Xil Ka Qaadis Sameeyey
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-921/082022 iyo JSL/XM/WM/222-922/082022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.


Ku: Maxamed Khaliif Nuur;
        Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. 
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad u shaqaysay Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid. 
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; 

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Warsame laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 
ALLAA MAHAD LEH

 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured