Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadka Xisbiyada Mucaaridka

0
Thursday August 11, 2022 - 17:40:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadka Xisbiyada Mucaaridka

    Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadka Xisbiyada Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Mudaharaadka Xisbiyada Mucaaridka

Hargeysa, (Xogreeb.com) - Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in Mudaharaad rabshado wata oo xisbiyada mucaaridku ay gobolada Somaliland ka sameeyeen uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay.

Ciidanka Boolisku waxa ay sheegeen in dhimashadu ay tahay 3 qof iyo dhaawaca 27 shicib ah, halka Ciidamada Booliskana ay ka dhaawacmeen 62 Askari.

Saddexda qof ee dhintay ayaa 2 ka mid ah ay ku dhinteen dibadbaxyada ka dhacay caasimada Hargeysa ee ay soo abaabuleed laba xisbi ee Waddani iyo Ucid, halka qofka saddexaadna laga soo sheegay inuu ku geeriyooday Ceerigaabo.

Taliska ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta u xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay mudaharaadkan,  ayaa intaa ku daray in 62 Askari ee ka mid ah ciidanka boolisku ay ku dhaawacmeen magaalooyinka Hargeysa 22 askari, Burco 29 askari iyo Ceerigaabo oo ay ku dhaawacmeen 11 askari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured