Xubno Ka Mid Ah Giddida Doorashooyinka Somaliland Oo La Kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya
Xubno Ka Mid Ah Giddida Doorashooyinka Somaliland Oo La Kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya
Nairobi, (Xogreeb.com) - Gudida Doorashooyinka Somaliland oo ka mida goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Kenya ayaa shir weyn la yeeshay Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharaxa Madaxweynenimada ee dalka Kenya Md. William Ruto. Komishiner Xuseen Badhaani oo ka waramay nuxurka shirkaaasi ayaa yidhi "Kooxdayadan oo uu na hogaaminayey Raysal Wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Dessalegn, waxaanu saaka la shirnay Madaxweyne Kuxigeenka ahna Musharaxa Madaxweynenimada ee dalka Kenya Md. William Ruto. Halkaas oo aanu kaga xogwaraysanay habsami-usocodka doorashada, xaaladaha, caqabadaha, iyo cabashooyinka jira, sidoo kale na aanu weydiinay aqbalaada Natiijada doorashada dhankiisa”. Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ka mida waddamada caalamka ee kormeeraya qaabka ay u dhacayso doorashooyinkani. Leave a comment |
|
Xubno Ka Mid Ah Giddida Doorashooyinka Somaliland Oo La Kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya
Xubno Ka Mid Ah Giddida Doorashooyinka Somaliland Oo La Kulmay Madaxweyne Ku xigeenka Kenya