Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Maanta Tababar U Furay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

0
Wednesday August 03, 2022 - 00:31:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Maanta Tababar U Furay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

    Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Maanta Tababar U Furay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo Maanta Tababar U Furay 30 Garsoore oo ka Hawl-gala Maxkamadaha Gobolka Maroodi-jeex
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Lataliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur iyo Madaxa Tababaradda Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahim, ayaa maanta tababar ku xidhiidhsan tababaro taxanne ahaa oo salka ku haya Shareecadda Islaamka iyo Garsoorka u furay 30 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Maxkamadda Degmada Hargeysa.
Tababarkan oo ay bixinayeen Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo Dr Xuseen Xasan Cali ayaa diirada lagu saarayay Qoomaha iyo Axkaamta Islaamku u jideysay, noocyada xukunka iyo asbaabaha loo buriyo. Ugu horayn waxa aqoon-is-waydaarsiga ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle waxaanu is-dul-taagay ahmiyada uu mawduucani Garsoorka u leeyahay, waxaanu rajeeyay in muddada uu socdo tababarku la kala faa’iidaysan doono aqoon iyo waayo-aragnimo sal-balaadhan.
Intaasi kadib waxa tababarka furay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxaanu hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay in mar walba la joogteeyo aqoon-is-waydaarsiyada noocan oo kale ah, waxaanu ku macneeyay in cilmigu ku fiican yahay fallan-qaynta iyo kala faa’iidaysiga, waxaanu ku dhiiri-galiyay xubnihii kasoo qayb-galay in ay ka faa’iidaystaan xeel-dheerayaasha, masalooyinka ay isleeyihiin waxay u baahan tahay lafa-gur iyo faham dheeraad ah. Sidoo kale Guddoomiye Aadam waxa uu sheegay in tababarkani qayb ka yahay tababaro xidhiidh ah oo dhawrkii sanno ee u danbeeyay lagu xoojinayay Garsoorka, waxaanu yidhi "Inkasta oo ay muddooyinkii u danbeeyay Garsoorka ku soo biirayeen Garsoorayaal cilmiga Diinta aqoon fiican u leh, haddana waxaanu u aragnay in ay lama huraan tahay in tababarada Shareecadeena Islaamka ku saabsan la kordhiyo”Geesta kale Guddoomiyaha waxa uu tibaaxay xog ururin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured