Somaliland Iyo Ciidamadeedu Waxay Deyr Nabadgelyo Oo Ku Gudban U Yihiin Itoobiya iyo Jabuuti. WQ. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
Thursday July 28, 2022 - 17:41:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Ciidamadeedu Waxay Deyr Nabadgelyo Oo Ku Gudban U Yihiin Itoobiya iyo Jabuuti. WQ. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Somaliland Iyo Ciidamadeedu Waxay Deyr Nabadgelyo Oo Ku Gudban U Yihiin Itoobiya iyo Jabuuti. WQ. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Iyo Ciidamadeedu Waxay Deyr Nabadgelyo Oo Ku Gudban U Yihiin Itoobiya iyo Jabuuti. WQ. Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Tan iyo sidii loo aasaasay Jamhuuriyada Somaliland sanadkii 1991, waxa ay Xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ay dhexda u xidheen sugida Xuduudaha ay Somaliland la leedahay Dalalka deriska ah, gaar ahaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya.

Somaliland oo ah dal dhaqaalihiisu aad u hooseeyo oo faqiiri ah, hadana waxay dhaqaalahooda inta badan u qoondeeyeen ilaalinta Ammaanka. Waxaana ay Somaliland ku keliyaysatay inay xambaarto culayska dhaqaale ee baaxada weyn ee kaga baxa ilaalinta Xuduudaha, iyaga oo aan wax taageero iyo mahadnaq midna ka helin labadaas dal ee ay amnigooda gaadhka ka hayaan habeen iyo maalinba.


Albaabada Naarta ee ku furmi lahaa Wadamada Itoobiya iyo Jabuuti waxaa dabool adag saaray oo habeen iyo maalinba gaadh ka haya Ciidamada Geesiyaasha ah ee Qaranka Somaliland.

Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland jirtay hal mar oo ahayd xilli kala guur ah oo Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo ay xilka la kala wareegayeen ayaa koox jabhad ah oo dalka Eritrea ka timi ay isku dayeen inay Xeebaha Saylac ka soo galaan dhinaca Itoobiya, waxaana si adag cagta u mariyay ciidamada Qaranka Somaliland, iyo Ciidanka Itoobiya oo ugaadhsaday firxadkii xagooda u talaabay. 

Dhinaca Jabuutina waxaa jiray in laba qof oo qarax Jabuuti ka dhacay lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen ay Jabuuti sheegtay inay Somaliland sii dhex mareen markay Jabuuti u socdeen.

Hadaba Jamhuuriyada Somaliland oo Awwood culus iyo dhaqaale balaadhan ku bixisa sugitaanka Ammaanka Xuduudaha ay la leedahay Jabuuti iyo Itoobiya, isla markaasna waxa ay Somaliland ka dulqaaday culays aad u weyn labadaas Dawladood oo  nabada ay ku seexdaan ay Somaliland kaalin aad u weyn ka qaadato .

Waxaa la soo gaadhay Xiligii ay Itoobiya iyo Jabuuti ay garawsan lahaayeen kaalinta ay Somaliland kaga jirto Amniga ay haystaan Wadamadoodu, sidaas daraadeedna ay Aqoonsi iyo Taageero dhaqaaleba u fidin lahaayeen Jamhuuriyada Somaliland si looga hor tago inay Albaabada naartu ku furmaan.

Jamhuuriyada Somaliland ma Awwoodi karto in Sodon sanadood iyo dheeraad ay gaadh ka hayso Itoobiya iyo Jabuuti haddii aanay Dalalkaasi ka abaal celin oo aanay taageero dhaqaale, Milatari iyo mid siyaasadeedba u fidin Jamhuuriyada Somaliland.

Dabcan Somaliland inay Xuduudaheeda ilaashato iyadaa danteedu ku jirtaa, hase yeeshee kooxaha Nabadiidka ah iyo Jihaadiyiintu meelaha ay geediga ku yihiin ee ay u Rabbi tuugayaan waa Jabuuti iyo Ethiopia, sidii aynu ka arkaynay weerarkii ay dhawaan  Alshabaab ka soo qaadeen gudaha Soomaaliya ee ku waajahnaa Dalka Itoobiya.

Isbedelka ka socda Gobolka ee Amni iyo Siyaasadeed, waxaa uu waajib ka dhigayaa in Dawladaha Itoobiya iyo Jabuuti ay dib u qiimeeyaan aragtidooda ku aaddan Aqoonsiga Somaliland iyo doorka weyn ee ay Jamhuuriyada Somaliland ka qaadan karto Arrimaha mandiqada ka taagan haddii la aqoonsado. 

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured