Xasan Sheekh Maxamùud Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay In Xidhiidhka Labada Dal Aan Birtu Jari Karin

0
Monday July 18, 2022 - 00:55:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Maxamùud Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay In Xidhiidhka Labada Dal Aan Birtu Jari Karin

    Xasan Sheekh Maxamùud Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay In Xidhiidhka Labada Dal Aan Birtu Jari Karin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh Maxamùud Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Sheegay In Xidhiidhka Labada Dal Aan Birtu Jari Karin

Jabuuti, (xogreeb.com) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shir jaraa’id  si wadajir ah u qabtay maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xidhiidhka labada dal.

Sidoo kale laabada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulankaasi ku lafaguray adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka ayaa xusay in ay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

"Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan. Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.” ayuu yidhi Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo tilmaamay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga gobolku u leeyahay labada shacab.

"Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Dhanaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahadceliyey walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti, isagoo tilmaamay in socdaalka Madaxweynuhu uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured