Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka

0
Tuesday June 07, 2022 - 16:54:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 


Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay'adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.

        ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured