Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta Somaliland Oo Shir Uga Furmay Hargeysa Iyo Ujeedada Shirka

0
Tuesday June 07, 2022 - 00:28:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta Somaliland Oo Shir Uga Furmay Hargeysa Iyo Ujeedada Shirka

    Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta Somaliland Oo Shir Uga Furmay Hargeysa Iyo Ujeedada Shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar Ka Mid Ah Salaadiinta Somaliland Oo Shir Uga Furmay Hargeysa Iyo Ujeedada Shirka
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Qaarkamid ah salaadiyiinta Somaliland oo iskaga kala yimid gobolada dalka ayaa maanta shir uga furmay magaalada hargaysa gaar ahaan huteelka Baraar, kaasi oo aay dibad joog ka ahayd warbaahintu.
Shirkan ay iskugu yimaadeen qaarkamid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo ay ubixiyeen shirwaynaha Golaha guud ee saldanada Somaliland.
Shirwaynaha golaha salaadiyiinta Somaliland ee hargaysa ka furmay ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayaa waxaa laga wada hadlay sidii madaxdhaqameedku uqiimayn lahaayeen doorka ay ku leeyihiin dalka , xakamaynta madaxdhaqameedka ku kala milmay siyaasada dalka ee mucaaridka iyo muxaafidka iyo sidii ay uyeelan lahaayeen gole guud oo lagaga hadlo arimaha dhaqanka
Sidoo kale salaadiyiinta iskugu shirkan ayaa ubalamay in ay iskugu soo noqdaan shirarka si loo dhamaystiro ujeedooyinka uudaaran yahay kulankoodu.
Dhanka kale xogaha laga helayo shirwaynaha guud ee madaxdhaqameedka Somaliland ayaa sheegaya in qodobada lagaga wada hadlay ay kamid ah ahayd sidii bahda dhaqanku doorkoodii uga qaadan lahaayeen xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka oo xiligan maraya meel xasaasiya.
Majirto war rasmi ah oo ay madax-dhaqameedku kazoo saareen shirwaynahoogan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured