Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Wafti Balaadhan oo ah Khubarro kala Duwan oo Isugu jira Diblumaasiyiin, , Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Sharci-yaqaanno

0
Saturday June 04, 2022 - 23:30:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Wafti Balaadhan oo ah Khubarro kala Duwan oo Isugu jira Diblumaasiyiin, , Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Sharci-yaqaanno

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Wafti Balaadhan oo ah Khubarro kala Duwan oo Isugu jira Diblumaasiyiin, , Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Sharci-yaqaanno

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Wafti Balaadhan oo ah Khubarro kala Duwan oo Isugu jira Diblumaasiyiin, , Siyaasiyiin, Aqoonyahanno iyo Sharci-yaqaanno
Berbera, Xogreeb.com) - Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta gudaha Dekeda Berbera ku qaabilay, wefti balaadhan oo ah Khubarro kala duwan oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo sharci yaqaanno caalami ah, kuwaas oo ka kala socda 17 dal oo ku kala yaala Yurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika. 
Sidoo kale, waxa waftiga hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed C/laahi Ducaale.
Maareeyuhuu wuxuu waftiga warbixin siiyey Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay guud ahaan Dekeda Berbera, iyo casriyeynta lagu sameeyey.
Sidaasna waxa Lagu sheegay qoraal kooban oo u lagu baahiyey barta Facebook ee Maareeyaha Dekedaha JSL Eng Siciid Xasan Cabdilahi kasoo u dhigaan sidan.
"Waxa aannu ku qaabilnay Dekedda Berbera, wefti balaadhan oo ah Khubarro kala duwan oo isugu jira diblomaasiyiin, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo sharci yaqaanno caalami ah, kuwaas oo ka kala socda 17 dal oo ku kala yaala Yurub, Eeshiya, Afrika, Ustareeliya iyo Waqooyiga Ameerika. 
Weftigan oo uu hogaaminaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed C/laahi Ducaale.
Weftiga xog-warran kooban baannu ka siinnay Horumarka ay ku talaabsatay Dekedda Berbera iyo waliba hiigsiga mustaqbalka dhaw".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured