Safiirka Midowga Yurub Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Hadashay Doorashooyinka

0
Thursday June 02, 2022 - 16:14:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Midowga Yurub Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Hadashay Doorashooyinka

    Safiirka Midowga Yurub Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Hadashay Doorashooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Midowga Yurub Oo Madaxweynaha Somaliland Kala Hadashay Doorashooyinka
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda  iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub.


Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac  iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured