Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Sweden Ee Kenya

0
Thursday June 02, 2022 - 01:10:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Sweden Ee Kenya

    Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Sweden Ee Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedaha JSL oo Qaabilay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Sweden Ee Kenya
Berbera, (Xogreeb.com) - Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta gudaha Dekeda Berbera ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Iswiidhan ku leeyahay Dalka Kiiniya, Marwo Paula Kermfors.
Maareeyaha Dekedaha JSL waxa uu kusoo wareejiyey xoghayaha safaarada Sweden, qaybaha casriga ee cusub ee ay ka kooban tahay Dekeda Berbera. waxanu warbixin ka siiyey Horumarka ay ku talaabsatay Dekeddu.
Sidaasna waxa Lagu sheegay qoraal kooban oo u ku baahiyey Maareeyaha Dekedaha JSL Eng Siciid Xasan Cabdilahi bartiisa Facebook, kaasoo u dhigan sidan. 
"Waxaannu ku soo dhawaynnay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Xoghayaha Guud ee Safaaradda Dalka Iswiidhan ku leeyahay Dalka Kiiniya, Marwo Paula Kermfors. Warbixin kooban baannu ka siinnay isbedelka togan ee ku yimi adeegyada kala duwan ee ay bixiso Dekedda Berbera. 
Waxaa igu wehelinaayay Kulankaas, Maareeyaha Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera, Mudane Axmed Ibraahin Cabdi".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured