Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Oo La Dhaariyey.

0
Wednesday May 25, 2022 - 22:48:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Oo La Dhaariyey.

    Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Oo La Dhaariyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Diiwaangelinta Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Oo La Dhaariyey.
Hargeysa, May 25, 2022 (Xogreebnews) - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey Xubnaha guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.
Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha guddida mid mid   gacanta ugu saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu sida sharcigu qorayo  qof qof ku dhaariyey inay ururrada, Axsaabta  siyaasadda iyo bulshadaba ugu adeegi doonaan dhexdhexaadnimo iyo caddaalad inta ay xilka loo igmaday hayaan.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  oo gebogebadii dhaarta hadal u jeediyey xubnaha la dhaariyey, ayaa kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu  waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, waxana uu yidhi, "Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka, Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana  na saaran  oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
 
Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured