Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Ciidamadii Eritrea Loogu Soo Tabàbarayey
Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Ciidamadii Eritrea Loogu Soo Tabàbarayey
Muqdisho, (Xogreebnews) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ciidankii Soomaaliya ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea. Farmaajo ayaa ka sheegay xil wareejintii maanta ka shergay in ciidamadii ugu badnaa ee Soomaaliya tababar loogu qaaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Eritrea, ay diyaar yihiin.
Waxaanu xusay in tiradoodu ay gaadhayso illaa 5,000 askari, isla-markaana ay dhammeysteen tababarka, balse waxa uu sheegay in ay dib u dhigeen doorashada darteed. "Shan kun oo askari ayaa tababar u geynay Eretareeya waxa ay tababarka dhammeysteen sanadkii hore bartamihiisa, waxaana dib ugu dhignay xaaladda aan ku jirnay iyo in aysan saameyn doorashada dalka”ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Ujeedka ciidamadan Eritrea loo geeyey waxa uu ku sheegay in la tababaro, si ay qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Dhankiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii Eritrea la geeyay dalka loogu soo celin lahaa, maadaama ay muddo dheer ka maqnaayeen waalidoontooda. "Ciidamada Eritrea jiray muddo dheer wey naga maqnaayeen waana wiilasheenii, waan ka shaqeyneynaa sida ugu dhakhsiyaha badan in dalka ay ugu soo noqdaan oo dalka dib u xoreyntiisa qeybta weyn ay ku leeyihiin ay ka qaataan, waa ciidan Soomaaliyeed, dalka Soomaaliya baa iska leh,” ayuu yidhi Madaxweyna cusub oo maanta xilka la wareegay. Si kastaba, dood xoogan ayaa horay uga dhalatay ciidamada Soomaaliya ee la geeyey dalka Eritrea, iyada mar lasoo wariyey in laga qayb galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalka Itoobiya, taas oo uga sii dartay walaaca waalidiinta ay ka maqan yihiin caruurtooda. Leave a comment |
|
Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Ciidamadii Eritrea Loogu Soo Tabàbarayey
Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Ciidamadii Eritrea Loogu Soo Tabàbarayey