Shaqaale-weynaha Dekedaha iyo Maareeyaha guud oo Bad iyo Beriba Ugu Dabaal-deggay Xuska qaran ee 18-ka May....

0
Thursday May 19, 2022 - 00:11:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale-weynaha Dekedaha iyo Maareeyaha guud oo Bad iyo Beriba Ugu Dabaal-deggay Xuska qaran ee 18-ka May....

    Shaqaale-weynaha Dekedaha iyo Maareeyaha guud oo Bad iyo Beriba Ugu Dabaal-deggay Xuska qaran ee 18-ka May....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaale-weynaha Dekedaha iyo Maareeyaha guud oo Bad iyo Beriba Ugu Dabaal-deggay Xuska qaran ee 18-ka May....
Berbera(Xogreeb.com)Shaqaale-weynaha Haayadda Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland, oo u hor-kacaayo Maareeyaha guud ee Dekedaha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Maanta Wacdaro ka dhigay Xuska qaran ee 18-ka may, 31-guurad kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xornimada Somaliland. 
Shaqaale-weynaha Dekedaha, ayaa socod dheer kusoo wareegay Wadooyinka hal-bowlaha ee Magaalada Berbera, kadibna waxay si toos ah isaggu biyo-shuubteen fagaaraha beerta Xoriyadda Magaalada Berbera. 
waxana halkaa hala hadashay bulshada Somaliland ee Maanta sida weyn ugu Dabaal-deggay Sannaad-guurada 31-aad, ee xornimada Somaliland, masuuliyiinta kala duwan, kuwasoo ka waramay muhiimada maalintani qaranka u leedahay.
masuuliyiinta halkaa bulshada Somaliland kala hadashay waxa kamid ahaa Maareeyaha Dekedaha JSL Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu si weyn ugu mahadceliyey Ciidamada Qaranka ee kala duwan, bulshada Saaxil, guud ahaan Somaliland iyo Shaqaale-weynaha Dekedaha, waxanu ilahay ka baryey inuu Somaliland siiyo aqoonsi buuxa, iyo qaranimo taam ah.
Intqa Kadib, Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, iyo qaar kamid ah masuuliyiinta Dekeddu oo ay weheliyaan Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, waxay xuska qaran ee 18-ka May ugu dabaal deggeen dhinaca Badda oo ay ka sameeyeen Dhoola-tus Balaadhan, iyagoo ay ka qayb-qaadanayeen Gaadiidka Haayadda Dekedaha, oo ay kamid yihiin Tagaga Casriga ah iyo Doomaha Bayloodada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured