Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Is-Afgarad Ka Gaadhay Xuska 18-ka May

0
Tuesday May 17, 2022 - 01:28:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Is-Afgarad Ka Gaadhay Xuska 18-ka May

    Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Is-Afgarad Ka Gaadhay Xuska 18-ka May

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Is-Afgarad Ka Gaadhay Xuska 18-ka May
Hargeysa-16-05-2022-(Xogreeb.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ee Somaliland Ayaa Qasriga Madaxtooyada Ku Yeeshay Kulan Muhiim u ah Qaranka Somaliland oo laga heshiiyay aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala aragti duwanaa, waxaana kulankan saddex geesoodka ah la iskula qaatey in si mid ah loo Wadda xuso maalinta Qarannimadda Somaliland ee 18 may sannad guuradeeda 31-aad.
 Waxaa kale oo kulankan la iskula afgartey in kulan danbe la isugu yimaado kaas oo laga arrinsanyo doorashooyinka Somaliland ee sannadkan dalka ka qorsheysan, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed Ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga külmiye oo ka war-bixiyay is fahanka kulankan laga gaadhey, sidoo kale waxa halkaa ka hadlay masuuliyiin isugu jira Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna sheegay in guul laga gaadhey kulankan, dhinaca kale, Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Siyaasi Cali Maxamed Warancadde oo xilal Wasiirnimo soo qabtey ayaa kulankan hadalo ku taxaluqa kulanka iyo ahmiyadiisa halkaasi ka jeediyey. 
Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad iyo in meel looga soo wada jeedo qarannimada Somaliland, waxaana kulanka ka soo qaybgalay labada gudoomiye Xisbi Mucaarid, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye.


Wa-bilaahi Tawfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured