Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo u Hambalyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga guulaystay Doorashadii Caawa...

0
Monday May 16, 2022 - 01:30:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 235
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo u Hambalyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga guulaystay Doorashadii Caawa...

    Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo u Hambalyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga guulaystay Doorashadii Caawa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Somaliya Farmaajo oo u Hambalyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga guulaystay Doorashadii Caawa...
Muqdisho(Xogreebnews)-"Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo doortay ee hoggaaminta dalka 4-ta sano ee soo socota, anigoo u rajaynaya in Alle u fududeeyo waajibaadka horyaalla.
Sidoo kale, waxaan ugu hambalyeynayaa Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed ee ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeygeen wakhtigii dheeraa ee ay socotay doorashada Madaxtinimada dalka.
Marnaba waxaanan illaaweyn halganka nafhurnimada leh ee ay muujiyeen Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo habeen iyo maalinba u taagnaa difaaca nolasha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan sugidda amniga goobaha ay ka dhacday doorashada dalka.
Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxaan uga mahadcelinayaa taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee aan hoggaaminayo, anigoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud". Ayuu yidhi Farmaajo 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured