HADII AYNAAN ODOROSI KARIN WAXA AYNU KU HAWLANAHAY WAXA KA IMAN KARA WALI MA MUUQATO MEESHII AYNU U SOCONAY ...!!!

0
Tuesday April 26, 2022 - 06:46:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADII AYNAAN ODOROSI KARIN WAXA AYNU KU HAWLANAHAY WAXA KA IMAN KARA WALI MA MUUQATO MEESHII AYNU U SOCONAY ...!!!

    HADII AYNAAN ODOROSI KARIN WAXA AYNU KU HAWLANAHAY WAXA KA IMAN KARA WALI MA MUUQATO MEESHII AYNU U SOCONAY ...!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HADII AYNAAN ODOROSI KARIN WAXA AYNU KU HAWLANAHAY WAXA KA IMAN KARA WALI MA MUUQATO MEESHII AYNU U SOCONAY ...!!!
( Su'aasha ugu dambaysa qoraalka si ka fiirsi leh uga jawaab )
Bishii March 2017 ayaa waxa aan idin kula wadaagay baraha bulshada, wargeysyada iyo mareegaha wax lagu qoro ee shabakada ( Internet) , qoraal uu cinwaankiisu ahaa " Tartanka reeraha iyo talo xumaanta qarniga 21naad "  waxaana uu dulucdiisu ahaa in hadii xayndaabkii sharci iyo siyaasadeed ee dalka la iskala baxo oo la noqdo beelo tartamaya waxa ka iman doona. 
Xiligaasi marqudha ayuun bay siyaasada dalku u xuub siibatay sidii xisbiyo iyo dimuqaradiyad loo waday qabaail tartamaya waxaana cirka isku shareeray caadifad wadata sharaarad qabiil oo aad u kulul taas oo halis gaadhsiisay qaranka oo lagu dhisay wadajir , wax wada lahaansho iyo heshiis bulsho oo ujeedo qudha wada leh. 
Tusaale 
Hadii la yidhaahdo xisbi hebel ama urur hebel ayaa doorashadii lagaga guuleystay waxa markiiba caqligaaga ku soo dhacaya in xisbiga iyo ururada siyaasadeed ay kuwada jiraan dad badan oo kala hayb ah oo isku bahaystay in hogaaminta qaranka iyo talada dalka kaga qayb galaan , markaa hadii laga guuleysto oo ay ku qanci waayaan natiijada xataa abuuri mayso iska hor imaadyo beelaysan ama reeraysan . 


Laakiin hadii la yidhaahdo reer hebel ayaa reer hebel ka adkaaday ama doorashadii ka xoogay marka aynu dhaqanka soomaalida iyo sida aynu u noolahay naqaano waxa aynu halis u nahay ugu yaraan in reernimo la isku naco ugu badnaana in dagaalo qabaail dhacaan oo waxii soddon sanadood la dhisayey ku bur-buraan maalmo gudahood. 
MAXAA INAGA QALOOCDAY AMA INAGA QALDAMAY ? 
Waxa inaga qaldamay wax weyn oo waxaa dadkii ka caqli badiyey siyaasiyiintii hore umadan isugu diley ee dadka kala irdheeyey oo aan la iman aragti siyaasadeed iyo hal abuur hogaamineed oo qarankani hore loogu wado ee ka faaiideysatay caadifada dadka iyo caqliga ah waa markii reer hebel iwm ah , waa laga yaabaa dadka qaar in ay ku doodaan waa xulafo siyaasadeed ...! 
Waan kaga aragti duwanahay marka aan aqaano mushtamaca soomaaliyeed sida uu u nool yahay, waxa uu xeeriyo , sida uu isku xidhiidhiyo iyo nidaamka xigtaysiga ah ee ay la nool yihiin oo hadii xulafo siyaasadeed oo qabiil ku salaysani timaado waxa ay kordhinaysaa uun cunfi iyo calool xumo hadii aanay xataa keenin burbur iyo kala irdhow umadeed. 
Marka umad hogaaminteeda laga fekerayo maaha inta kuu muuqata oo kaliya ee waxa ay saameyn ku yeelanaysaa boqolaalka sano ee soo socda iyo dadka leh mustaqbalka dambe ee dalkani markaa waxa aad u socoto waxa ka weyn waxa aad umadu waxii ay dhigatay iyo mustaqbalkeega dambe yeelayso . 
Waxa waliba waxan oo dhan ka sii daran jiilba jiilka uu ka horeeyey habka adeegsiga qabiilka wuu ka xarago qaadan jiray oo looma isticmaali jirin nidaamka qaawan ee hadda loo fahansan yahay, waliba waxa loo yaqaanay in uu yahay qalab iyo xirfad ( mechanisms) loo adeegsado dan gaaban iyo doorasho oo aan la isku diidi jirin waagaasi. 
MAANTA IYO MUSTAQBALKA DAMBE EE DADKEENA OO DHAXALKOOGU INAGA IGU XIDHAN YAHAY. 
Maanta waxa inala gudboon in aynu abuurno saaxad siyaasadeed oo ku fadhida ujeedkii iyo waxii aynu ka doonaynay ururada & axsaabta siyaasada oo ah in dadka dalku ku walaaloobaan aragtiyo siyaasadeed, wax wada dhisan karaan oo meel u wada jeedsan karaan taasi oo ku imanaysa farshaxanka , garaadka iyo hal abuurnimada hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee maanta jooga. 

Siyaasadu maaha meel laga raadiyo boqornimo , dhaqaale iyo awoodo loo adeegsado si xun ee waa madal lagu alooso mustaqbal umadeed oo wanaagsan oo kuwa hada nool iyo kuwa dalkani u dhalan doona boqolaal sano ka dib ay ka dheefaan raad-raac wanaagsan oo ilaaliya qiyamka qaranimo iyo umadnimo. 

Inaga oo taa ka duuleyna waa in aynaan maanta lumin fursada aynu haysano oo uga faaiideynaa dalkeena iyo dadkeena soomaalidu waxa ay ku maah-maahdaa raqba waa ku rageed e arinkaasi maanta waxa uu u yaallaa raga iyo waliba hablaha maanta jooga oo hadhow taariikhdu warin doonto waxa ay maanta yeelaan. 

Halkani waxa aynu ku soo gaadhnay tacab iyo tabar ay dalkani galiyeen dadkii inaga horeeyey si ay inoogu abuuraan dal , saaxad siyaasadeed oo dhasha deganaansho , nolol iyo nabadgalyo aynu dheerayn dalal badan oo aduunka ah , waana midka la inagu majeeranayey ee cidwaliba maanta aduunka inoogu joogsanayso , waxa laga yaabaa in aynaan gobolka aynu ku noolahay iyo jaararkeenu aanay raali ka aheyn waxa wanaagsan ee inoo qabsoomay laakiin waa in aanay saameyn inagu yeelan ee aynu inagu saameyn ku yeelanaa. 

GOBOLKA AYNU KU UUMANAHAY IYO DAWLADAHA JAARARKEENA. 

Aduunku maanta wuu isaga saameyn badan yahay sidii hore xaga dhibta iyo dheeftaba waxaana muhiim ah in aynu marwalba waxii wanaagsan iyo horumarka iska kaashano waxii dhibaatooyin iyo halis inagaga soo beegana ka taxadirno. 
Waxa aynu leenahay marka laga yimaado waxa aynu siyaasiyan isku diidanahay waa cadawyo guud oo ay ugu horeeyaan wax waliba oo nabadgalyada ku lid ah , horumarka ku lid ah , deganaanshaha iyo xasiloonida mandaqada aynu ku noolahay ku lid ah oo dhamaantood u baahan iskaashi wadareed iyo in meel looga soo wada jeedo si gobolka aynu ku noolahay u noqdo mid horumar weyn ku talaabsada. 
Waa hadii fahamka guud ee hogaanka siyaasadeed ee umadaha gobolkani uu gaadhsiisan yahay halkaasi , hadii kale sida dalwaliba gudihiisa isku boqno jarayo waxaa loo dhuran doonaa dhinaca balaayada iyo burburka Alle ayaanu ka magan galeynaaye in aanu inagu keenin e . 
ADUUNKU MUXUU INAGA RABAA MAXAYNU SE KA RABNAA INAGU ? 
Aduunku waxa uu rabaa in nabadgalyo lagu wada noolaado qofwaliba u amaan helo naftiisa,  sharafkiisa iyo waxa uu aaminsan yahay ( caqiidadiisa ) waana mabaadiida guud ee uu ku fadhiyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamuhu ( UDHR ) . 
Waxaa soo raaca kala hororsiga danaha dhaqaale,  istaratijiyadeed , siyaasadeed iyo xulafatsiga loogu jiro hogaaminta dunida dhinacwalba kaasi oo ku xidhan dano iyo masaaliix dalba dalka kale ka leeyahay kuwaasi oo u baahan in looga faaiideysto xaga wanaagsan. 
Tusaale 
Hirdanka ka dhexeeya quwadaha aduunku yaanu inagu yeelan saameyn siyaasadeed oo inagu keenta nabadgalyo daro , deganaan siyaasadeed la'aan iyo burbur u horseeda dadka gobolkani oo qarniyadii ugu dambeeyay oo dhan ay daashadeen dagaalo , faqri iyo xadilooni la'aan siyaasadeed. 
Ha looga faaiideysto xaga horumarka, ku tartanka dhaqaalaha , aqoonta,  iskaashiga iyo fur-furnaanta siyaasadeed, xidhiidhka wanaagsan ee aduunka kale lala leeyahay iyo sidii meel loogaga soo wada jeedsan lahaa wax waliba oo binu-adenimada u cadaw ah oo ay ugu horeeyaan Jahliga , Faqriga , nabadgalyo darada iyo maamul xumada. 
Aduunka waxa aynu uga baahanahay in aynu noqono umad ka mid ah oo leh hanka iyo qabka lagu gaadhay maanta waxa lagu hogaamiyo aduunka, waxa aynu ugu baahanahay in la inooga gurmado wax waliba oo dib inoo haya oo diidan in aan hore u socono . 
Aduunka waxa aan uga baahanahay in ay ixtiraamaan waxa aynu sameysanay,  waxa aynu aaminsanahay iyo halka aynu u socono ee yoolkeenu yahay oo aan cidnaba dhibaato ku aheyn , wanaag soo kordha mooyaane aan cidina hadimo ka soo gaadheyn , waana xuquuq caalamiya oo qaran iyo qofwaliba in uu yeesho ay tahay. 
Isku soo wada xoori xiliga lagu jiraa waa xili adag oo u baahan in loo guntado sidii looga bixi lahaa , la isugu kaashan lahaa hore u socodka iyo hogaamin sigib tiran oo ay hesho umadani , la isugu kaashan lahaa in wanaaga la isaga daydo xumaantana la iska reebo si wadajir loogu guuleysan karo maadaama aynu wada saaranahay doon kaliya. 
Marka aad dhuuxdo qoraalka iyo ujeedooyinka uu xambaarsan yahay maxaa adiga kula gudboon maanta ? 
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured