"In Ganacsatadu Ku Heshiiso Inay Dadka Qiimaha Ku Kordhiso, Waa Sharci-darro, Kaalintii Xukuumadeed Oo Maqan Waxaanay Ka Hor Imanaysaa…" Xisbiga Waddani

0
Monday April 25, 2022 - 04:15:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "In Ganacsatadu Ku Heshiiso Inay Dadka Qiimaha Ku Kordhiso, Waa Sharci-darro, Kaalintii Xukuumadeed Oo Maqan Waxaanay Ka Hor Imanaysaa…" Xisbiga Waddani

    "In Ganacsatadu Ku Heshiiso Inay Dadka Qiimaha Ku Kordhiso, Waa Sharci-darro, Kaalintii Xukuumadeed Oo Maqan Waxaanay Ka Hor Imanaysaa…" Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In Ganacsatadu Ku Heshiiso Inay Dadka Qiimaha Ku Kordhiso, Waa Sharci-darro, Kaalintii Xukuumadeed Oo Maqan Waxaanay Ka Hor Imanaysaa…" Xisbiga Waddani

Hargeysa (Xogreeb.com)-Xoghayaha ganacsiga ee xisbiga waddani xamse cabdiraxmaan khayre ayaa ka hadlay kor qiimaha oo shirkadaha biyaha sifaysan soo saareen ku sameeyay heerarka kala duwan ee caagadaha biyaha iyo aamusnaanka xukuumada iyo wasaaradii ku shaqada lahayd ee ganacsiga.

 

 

Xoghaye xamse ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Qiimaha Biyaha Sifaysan Oo Kordhay

Qiimaha biyaha la sifeeyo ayaa si is og u kordhay caawa kadib shir la sheegay in yeesheen warshadaha soo saara biyahu.

Korodhkan ayaa yimi xili litirka shidaalka ahi u marayo 9,600 SoLSH.

Caagadda 750 ml ah  oo ahayd 2,500 SoLSH ayaa hadda  laga dhigay 3,000 SoLSH taas oo ah korodh dhan 20%. Dhanka kale caagadda 1 liter ah ayaa iyadana lagu daray 1000 SoLSH taas oo korodhay 25%.

In ganacsatadu ku heshiiso inay dadka qiimaha ku kordhiso waa sharci-darro, kaalintii xukuumadeed oo maqan waxaanay ka hor imanaysaa mabda’a suuqa xorta ah.

Waxaa loo baahan yahay samaynta xeerarka iyo siyaasadda tartanka iyo ilaalinta Dadka (Competition and Consumer Protection Policy). Xisbiga Waddani waxaa ka go’an in la xaqiijiyo  tartan xalaal ah,  kobcinta iyo  dhiirigelinta Ganacsatadda iyaddoo dadkana laga ilaalinayo in loo heshiiyo.

Wasiirkii Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska ayaan la hayn tan iyo intii  dalka ay ka dhaceen masiibooyinka sicir-bararka iyo dabka leh. Waxaanu xukuumada ugu baaqaynaynaa in aanay indhaha ka qarsan culaysyadda soo waajahay ganacsatadeena iyo culayska lagu ciirayo dadka masaakiinta ah ee awalba la il darnaa korodhka ascaarta.

Xamse C. Khayre

Xog-hayaha Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska

Xisbiga WADDANI- Rejadda Shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured