Laba Oday oo Kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee North America oo Ku Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsaday Dekeda Berbera iyo Magaaladaasi...

0
Friday March 18, 2022 - 02:24:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Oday oo Kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee North America oo Ku Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsaday Dekeda Berbera iyo Magaaladaasi...

    Laba Oday oo Kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee North America oo Ku Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsaday Dekeda Berbera iyo Magaaladaasi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Oday oo Kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee North America oo Ku Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsaday Dekeda Berbera iyo Magaaladaasi...
Berbera(Xogreeb.com)-Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ee Canada Oday Axmed Cali Sabayse iyo Mujaahid Cabdilahi Il-dab oo kamid ah Jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka, ayaa booqasho Maanta ku Tagay Dekeda Caalamiga ah ee Berbera.
labada oday oo kamid ah shaqsiyaadka haldoorka ah ee Somaliland ku kala nool Dalka Maraykanka iyo Canada, ayaa si weyn ugu Indho-daraan-daray Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay guud ahaan magaalada Berbera iyo Dekeda Berbera. 
oday Axmed Cali Sabayse, oo 1974-kii ka dhoofay Dekeda Berbera, isla Markaana ka raacay Markab, ayaa si weyn ugu farxay isbedelka Horumarineed ee Dekeda Berbera iyo sidoo kale guud ahaan Magaalada Berbera oo noqotay mid la talaabsatay Horumarka Dhinacyo kala duwan ah.
labada oday ee haldoorka Somaliland ee ka kala yimi Qaaradda America iyo canada, waxay Horumarka baaxada leh ee guud ahaan gobolka Saaxil, Magaalada Berbera iyo Dekeda Berbera ku amaanan Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) iyo golihiisii deegaanka degmada Berbera ee hore.
Waftiga labada Oday waxa hoggaaminayey isla Markaana Horumarka qaybka ahaa Xildhibaan hore Saleeban Cali Khayre, waxana labada oday gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, iyadoo loo furay ama lagu soo wareejiyey qaybaha Dekeda.
haldoorkan kamid ah jaaliyadda Somaliland ee North America, waxa la saaray qalabka gaadiidka Badda ee Somaliland leedahay, gaar ahaan Tagaga casriga ah ee sannadadii lafoo dhaafay ay usoo iibisay Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, isla Markaana uu waxqabadkeeda ku suntan yahay Madaxweynaha JSL iyo Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured