KUMUU AHAA AADAN SHEEKH MUXUMAD (AADAN SHIINE)?. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.

0
Sunday March 13, 2022 - 01:27:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KUMUU AHAA AADAN SHEEKH MUXUMAD (AADAN SHIINE)?. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.

    KUMUU AHAA AADAN SHEEKH MUXUMAD (AADAN SHIINE)?. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KUMUU AHAA AADAN SHEEKH MUXUMAD (AADAN SHIINE)?. Qalinkii Siyaasi Cali Guray.
Waxan maqlay in Degmadii Ibraahin Koodbuur laba Degmo laga dhigay. Ma garanayo shuruudaha magac bixinta degmada cusub lagu xidhay balse hadii lagu xulayo:
1. In uu ahaa hormoodkii SNM
2. In uu ahaa saraakiishii ugu saraysay
3. In uu ka soo jeedo degaanka Caasimadda
Aadan Shiine wuxu talaabay 29 January 1982, isaga iyo Axmed Dhagax waxay ahaayeen labdii sarkaal ee ugu hor talaabay dhamaan saraakiishii milatariga ahayd ee SNM ku biirtay
1984kii Shirwaynihii 4aad ee Axmed Silanyo Gudoomiyaha Ururka loogu doortay Adan Shine waxa loo magacaabay Xoghayaha Ciidanka Xoraynta oo ah xil dhawr sarkaal oo keli ah ay soo mareen. Soojeedinta Aadan waxa lahaa Maxamed Xaashi (Lixle) oo markaa isaga iyo Cabdillahi Askar ay xilka ka degeen. Lixle iyo Askar waxa xilka u doortay saraakiishii SNM ee Gudoomiyaha Ururka muu magacaabin ee sarkiisha ayaa dhexdooda iska doortay kulan gaar ah oo ay ku qabsadeen XArshin ka hor intii aanu furmin Shirwaynihu. Aadan markii uu noqday Xoghayaha Ciidanka oo isagu xubinta Ciidanka Xoraynta ku meteli jirtay Guddida Fulinta ahaa wuxu u magacaabay Abaabduulaha Ciidanka (Taliska Guud) Ibrahim Koodbuur
1987kii Sharwaynihii 5aad oo mar kale Axmed Silanyo loogu doortay GudoomiyahaXisbiga ayuu hadana Aadan Shiine ugu magacaabay Xoghayaha Ciidanka Xoraynta waxanu Abaanduule (Aaga Waqooyi) u magacaabay Axmed Mire. Intii aanu jiidaha hore u bixin ayaa lagu toogtay Jigjiga halkaas uu ku shihiiday 31 May 1987kii isagoo ka soo ambabaxay Dire Dawa. Waxa lagu bedel Cabdisamad Xaaji Gamgan
Kolay inta aan xasuusanahay ma jiro sarkaal kale oo laba goor oo isxigta qabtay xilka Xoghayaha Ciidanka Xooraynta oo aan ahayn isaga
Aadan Shiine wuxu ahaa shakhsiga ay dabci ahaan isugu dhawaayeen Lixle. Dulqaad iyo Geesinimo iyo isku wadidda saraakiisha kale labdooda ayaan si  gaar ugu xusi karaa saaxiibo dhawna way ahaayeen, Ilaahay labadooda iyo inta kalay ee shahiidayba ha u naxariisto eh
Anigu cid kale ma sheegin ee waa hadii Sarkaal SNM ah oo ku shihiiday halgankii loo magacaabayo ma jiro sarkaal kale oo kaga mudan Aadan Shiine hadii kale way ka duwan tahay oo magacii la doono ayaa loo bixin karaa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured