Mudane, Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Hargaysi, uma Baahna, Hadal iyo Faanbadane, Waxaqabad la taaban karo, ayay kaaga baahantahay.Qalinkii Mohamed Haldoor.
Mudane, Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Hargaysi, uma Baahna, Hadal iyo Faanbadane, Waxaqabad la taaban karo, ayay kaaga baahantahay.Qalinkii Mohamed Haldoor.
Mudane, Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Hargaysi, uma Baahna, Faanbadane, Waxaqabad la taaban karo, ayay kaaga baahantahay!
Qoraalkan aan Ciwaanka uga dhigay, Mawduucan oo noqon doona Taxane, isla markaana aan ku eegi doono, Waxqabadyadii looga fadhiyey, Maayirka Caasimada Hargeisa ee uu Balanqaaday Wakhtiyadii uu ku jiray, Olalaha Doorashada, inuu u fulindoona, Gaar ahaan, Shacabka iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose, Waxaan Ku Eegi doonaa, Dhawar Qodob oo ka mid ahaa Balanqaadyadiisii, uu doorashada ku galay, Taasoo noqotay, Mid Hal Bacaad lagu lisay, ah isla markaana Shaqalaha Dawlada hoose iyo Bulshadii soo Dooratayba ku noqotay, yaab iyo amakaag iyo afkala qaad Waana Arimahan Hoos ku Qoran:-
1- Maayir , Cabdikariim Maxamed Mooge, Wuxuu ku Galay, Kaanbaynkii Doorashada, inuu Shaqaalaha Dawlada Hoose u kordhin doono Mushaharka, isla markaana Hoos u eegi doono, Halkii Taas laga filayay Sanadkan Cusub, Wuxuu Ka goostay, (Over Time O/T ) Arinkaasi, oo ku Culays badan ku noqday, Shaqaalihii Xaaslayda ahaa,, Arinkaasi, Wuxuu niyad jab wayn ku keenay, Shaqaala waynihii dawlada hoose oo dhamaantoodaba arinkaaa aan mahadin, (Qodobkaasi, Waxaa uu inoo Cadaynayaa in Dhaqaalihii iyo dakhligii dawlada hoose hoos u dhacay, Sababo Maamul xumo iyo nidaamkii oo aanu Maayirku garanayn isla markaana aanu ka shaqaysiin dadkii aqoonta u lahaa dhaqaale soo saarka iyo dakhli soo xaraynta ayaa keenaysa, Waana Carqalad wayn oo ka hortimi maayirka)
2- Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Wuxuu Kaanbaynka doorashada ku galay, inuu Dadwaynaha u shaqayn doono isla markaana xafiiskiisu noqon doono, mid marwalba dadwaynaha u furan, Qodobkaasi oo uu isku dayay maayirku inuu fuliyo Todobaado, ayay ku soo afjarantay isagoo markii danbe isku xeeray, askar, oo sida loogu galaaba way adagtahay, maayirka Qodobkaasina uu kaanbaynka ku galaym wuu ka beensheegay, manay noqon mid siduu uu balan qaaday u fuliyo.
3- Adeegii Dadwaynaha Dawlda hoose u qaban jirtay, Hoos u dhacay, Dadkii Faylasha loo waday, oo aan muddo 2bilood ah aan la siin faylashii iyagoo sharcigii fuliyeyy, Faylashii Xafiiska Maayirka ayay isdultuulanyihiin, Waana Shaqo iskaga u xaniban, lamina yaqaano, Waxa ku dhacay, iyo sababta ay u xanibanyihiin Faylashii Dadwaynuu,
4- Beerihii ay Maayiradii Hore Qorsheeyeen, ayaan laguu soo eegayn oo aan lagu saxeexayn, iyadoo sharicgeedii dhamaystiranyahay. Arinkaasi oo ay u xanibanyihiin Maanta dhawar boqol oo fayal u xaniban, lamana garanayo, sababta sharciga ah ee ay u xanibanyihiin. .
5- Arimaha kale ee Maayirku Ku galay, Kaanbaynkii Doorashada, waxaa ka mid ah inuu Wadooyinka Caasimada ee burbursan waxkaqaban doono isagoo waliba intii hore o dhan jiray, Jilaalka markay roobabku qaadaan ayaan la eeganayaa oo hagaajinayaa, Wali Waad aragtaan wadooyinkii Caasimada oo wada Burbursan, Waanu aragnaa Maayir inaad Labadii Wado ee Bari iyo Galbeed Hadda aad bilawday, oo aad Wado, laakiin, sidii loo baahanaa wali waxba uga maad qaban wadooyinka farasmagaalada iyo kuwa suuqyada kaleba, Dhaliishaasi waa mid ku dul taala.
Allaa Mahad leh Qalinkii Mohamed Haldoor.
La soco Qoraaladan oo Taxane noqon doona, Qayabaha Danbe, Waxqabadyadii Maayirka laga Filayay iyo Halkay ku Danbeeyeen, Waxaanu idinlawadaagi doona, Qoraalo Xaqiiqda ku Saabsan, iyo Shaqada Dawlada Hoose ka socota, iyo Moganaanta Maayir mooge ee Jirta.. Leave a comment |
|
Mudane, Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Hargaysi, uma Baahna, Hadal iyo Faanbadane, Waxaqabad la taaban karo, ayay kaaga baahantahay.Qalinkii Mohamed Haldoor.
Mudane, Maayir Cabdikariim Ahmed Mooge, Hargaysi, uma Baahna, Hadal iyo Faanbadane, Waxaqabad la taaban karo, ayay kaaga baahantahay.Qalinkii Mohamed Haldoor.