Dawlada Jabuuti Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Masuuliyiin Xabsiga Loo Tabaaxay Iyo Eedaha Loo Haysto.

0
Wednesday March 09, 2022 - 03:32:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Jabuuti Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Masuuliyiin Xabsiga Loo Tabaaxay Iyo Eedaha Loo Haysto.

    Dawlada Jabuuti Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Masuuliyiin Xabsiga Loo Tabaaxay Iyo Eedaha Loo Haysto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Jabuuti Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Masuuliyiin Xabsiga Loo Tabaaxay Iyo Eedaha Loo Haysto.

JABUUTI(xogreeb.com)-Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti ayaa Sheegay in balaayiin lacag ah lagu lunsaday heshiis been abuur Ah oo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda Jabuuti iyo koox ganacsato ah.

 

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska hanti dhowrka Dalka Jabuuti ayaa lagu yidhi: "Wasaaradda Miisaaniyaddu waxay ku takri-fashay hantidii dawladda ee loo igmaday inay ku baxdo kharashaadka dawladda, iyadoo bixisay adeegyo badan oo u muuqda kuwo shaki ku jiro oo aan jirin.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab aan loo baahnayn iyo agab ay wasaaraddu marar badan dalbatay, taasoo la sheegay inay dib u dhis ku samaynayso dhismaha wasaaradda iyo sidoo kale qalab kale oo ay ka mid yihiin qalab xafiiseed, kuwaas oo balaayiin lacag ah ku kacaya.

Hanti dhowrku waxa uu sheegay in la xidhay laba masuul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore. Sidoo kale waxaa uu sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku howlan wax isdaba marinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Ganacsato dhowr ah ay qirteen dambiga lagu soo eedeeyay, ayna dib u soo celiyeen qaar ka mid ah lacagihii ay lunsadeen.

Baadhitaanka ayaa la sheegay inuu sii socon doono, waxaana dadka ku lugta leh loo gudbin doonaa xafiiska xeer ilaalinta si cadaaladda loo horgeeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured