"Soo Gaabinta Safarka Madaxweynaha Iyo Marti-qaadka uu Musharax Craxman Ciro u Fidiyey Abiy Ahmed... Waxaa Muuqata in Laysku Diiday Dantii Abby ka lahaa Safarka Madaxweynaha...". Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule

".Waxaynu ognahay in Abby Ahmed uu u soo diray Madax-weynaha Jamhuuriyada Somaliland,Muuse Biixi Cabdi,Marti-qaad rasmi ah,sidoo kale waxaa inoo muuqata in Madaxweynuhu Soo gaabiyey safarkiisa Ethopia kuna soo koobay 24 Sacadood, waxa kale oo iyana inoo Muuqata inuu Abby Axmed Marti-qaaday Murashaxa Xisbiga Wadani Craxmaan, in kastoo aan si wayn loo faahfaahin arrimaha khuseeya Safarka, haddana ficilka inoo Muuqdaa waxa uu inoo sheegaya, oo laga dheehan karaa Sidan:-
1. Dalabka Marti-qaadka waxaa lahaa Abby Ahmed, waxaana jiraysay ujeedo uu ka rabay marti-qaadka,
2.Waxaa kale oo iyana Muuqata in laysku diiday Dantii Abby ka lahaa Safarka, inagoo ka eegayna, Soo gaabinta Safarka Madax-weynaha ,& Marti-qaadka Craxman Ciro ee Sida dhaqsaha u yimi, & faahfaahin la'aanta Safarka Madaxweynaha.
Kolkay Sidaa tahay, Marka ay taagan tahay dal kale Dan uu ka leeyahay Qarankaaga, Mucaarid iyo Muxaafid Meel bay ka wada taagan yihiin, waxaana inagu metela Madax-weynaha, laakiin in laynoo arko kuwo laysku lisi karo, oo kolba mid loo yeedhi karo si ujeedada dalkaasi leeyahay u hirgasho, waa arrin aan wanaagsanayn, Haddii Craxman yidhaahdo wadanku Madax-weyne ayuu leeyahay, isaga ayaana nagu metela wadamadamada kale wada xaajoodka, Guul -daro ayaa imanaysa.
Sidaa dsraadeed waxay ahayd intaanu Craxmaan dhoofin inuu la sii kulmo Muuse biixi siina qaato xogta safarlaasi lahaa, jawaabtiisana sii diyaarsado. Balse waynu eegi Soo noqodka Murashaxa iyo waxa uu la soo guryo noqdo.
Aragti ahaan hore ayaan u sheegay inaanay haboonayn inuu Madaxweynuhu Safarka Ethopia u baxo waqti xaadirkan , ee uu dib isaga dhigo, una baxo kulamada dalalka kale ee faa, iidadu inoogu jirto , sida Uk iyo Maraykan markiisa horena Abby Aanu ahayn shaqsi balan leh, oo siyaasadiisu Sal ku fadhido, ee uu yahay Shaqsi fudud oo Sida weedhka kolba dhan ka imanaya. Wa bilaahi tawfiiq. Leave a comment |
|