Maareeyaha Dekedaha JSL Iyo Khuburo ku Xeel-dheer Sammayn Xeerka Badda oo Kulan Kula Yeeshay Agaasimaha Xidhiidh Golayaasha Somaliland Magaalada Berbera....
Maareeyaha Dekedaha JSL Iyo Khuburo ku Xeel-dheer Sammayn Xeerka Badda oo Kulan Kula Yeeshay Agaasimaha Xidhiidh Golayaasha Somaliland Magaalada Berbera....
Berbera(Xogreeb.com)-Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka golayaasha Somaliland, oo ay weheliyaan madaxda Haayadda Dekedaha iyo Khuburo ku Xeel-dheer sammaynta Xeerarka Badda, ayaa Kulan wada-tashi ah, ku yeeshay Huteel Maansoor ee Magaalada Berbera.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi iyo masuuliyiinta kale ee madasha ka Hadlay ayaa si weyn uga dooday, isla Markaana isku waydaarsaday halkaa fikiro la xidhiidha sammaynta Xeerka Badda Somaliland oo ah qabyo-qoraal, oo hadda Lagu Hawlan yahay sammayntiisa.
Kulankan, ayaa ahaa mid cilmiga badda xoog diiradda loogu saaray, isla Markaana lagu naaqishay in Biyaha Somaliland yihiin kuwo ku yaala marin-biyood istaratiiniya, oo loo baahan yahay in la fudaydiyo isku socodka Saxiimadaha Badda.
Sidaasna waxa Lagu sheegay qoraal kooban oo Lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee Maareeyaha Dekedaha JSL Eng. Siciid Xasan Cabdilahi. kaasoo u dhigan sidan.
"Waxaa aannu kulan wada-tashi ah oo ku saabsan qabyo-qoraalka xeerka Badda JSL, ku wada qaadanay Magaalada Berbera, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, xubno ka socday Wasaaradaha iyo Hay'addaha ay khusayso iyo saraakiil kale". Leave a comment |
|