"Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero.." Murashax Cabdiraxmaan (Cirro)

0
Tuesday January 18, 2022 - 22:29:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero.." Murashax Cabdiraxmaan (Cirro)

    "Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero.." Murashax Cabdiraxmaan (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero.." Murashax Cabdiraxmaan (Cirro)
Hargeysa(xogreeb.com)-Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxa.ed Cabdilaahi (Cirro)' ayaa si weyn u taageeray Dooda Caawa Aqalka Baarlamaanka ee Ingiriisku ka yeelan doono Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu Murashax Cirro shacabka reer Somaliland ee Dal iyo dibadba gaar ahaan kuwa waddanka Ingiriiska ku sugan ka codsaday inay muujiyaan Cudud Midnimo iyo Taageero xoogqn oo Qaddiyadda Waddankooda Somaliland ee Baarlamaanka Ingiriiska la horgeeyey ay ku taageeraan.


Murashaxa  Cabdiraxmaan Maxa.ed Cabdilaahi (Cirro) oo qoraal uu arintani kaga hadlaayo Bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu dhamaal mahadnaq iyo Hambalyo ah u diray Xildhibaanadda  Baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan ee hormuudka ka ah Dooda Qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland la xidhiidha ee Caawa Aqalka Baarlamaanka UK ka doodayaan isaga oo si gaar ah ugu u bogaadiyey Xildhibaan Gavin Williamson oo Mudanayaasha Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Tooska Somaliland la leh doodana Baarlamaanka horgeeyey.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxa.ed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlaya Dooda Baarlamaanka Ingiriiska ee Qadiyadda Somaliland la xidhiidha waxa uu yidhi "Waxa aan si weyn u bogaadinaya doodda ka dhacaysa caawa Baarlamaanka Ingiriiska ee ku saabsan Geedi-socodka Ictiraafka iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sida oo kale waxa aan ku hambalyeynayaa Xildhibaan Gavin Williamson iyo Mudanayaasha kale ee ku taageeray garwaaqsigooda ku wejahan Qaddiyada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay dooddaas hor dhigaan xubnaha kale ee Baarlamaanka Ingiriiska"
 
"Shacbi weynaha reer Somaliland ee kala joogga dal iyo dibadba–gaar ahaan reer UK, waxa aan u soo jeedinaya in la tageero oo la muujiyo ka go'naanta dedaalka lagu baadi-goobayo Ictiraafka dalkeenna.."

"Jamhuuriyadda Somaliland, waxyaabaha caalamka ku soo jeediyey waxaa ka mid ah: Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo Dimuqraadiyadda oo Doorashooyinku tilmaan u yihiin. Waxa aan Xukummadda u soo jeedinayaa in Doorashada Madaxtooyada oo ah hadda midda taagan wax-kastaana u diyaarsan yihiin in lagu qabto xilligeeda ay dalka waxtar weyn u tahay iyo in ay soo dedijin karto aqoonsiga qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxa.ed Cabdilaahi (Cirro)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured