Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Madaxwayne Biixi Iyo Xogaha laga Helayo!.

0
Thursday January 13, 2022 - 03:34:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Madaxwayne Biixi Iyo Xogaha laga Helayo!.

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Madaxwayne Biixi Iyo Xogaha laga Helayo!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha Madaxwayne Biixi Iyo Xogaha laga Helayo!.
HARGAYSA(Xogreeb.com)- Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa caawa  kulan casho sharaf la qaatay 10 Xildhibaan oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doortay gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil.
Kulankan ay wada yeesheen qaarkamid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee kasoo jeeda gobolada saaxil iyo maroodi jeex gaar ahaan beesha madaxwayne biixi iyo siyaasi maxamuud xaashi ayaa  ka dhacay Hoteelka Baraar ee magaalada Hargaysa kaasi oo aan la shaacin ujeedada uu daarnaa iyo arimaha ay wada hadleen xildhibaanada iyo siyaasi dibad wareega ah ee maxamuud xaashi oo isago hore looga saaray xisbiga kulmiye, xisbiga waddani oo uu wadahadalo la furayna uu ku guuldaraystay in uu ka helo damaciisa siyaasiga ah,
Warar laga helayo kulan uu xildhibaanada golaha wakiilada ee beesha madaxwaynaha la qaatay siyaasiga dibad wareega ah ee maxamuud xaashi ayaa sheegaya in uu kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo furista ururada iyo sidii ay ugala shaqayn lahaayeen in ay iskusoo dhaweeyaan isaga iyo madaxwayne biixi maadama ay yihiin mudanayaasha kazoo jeeda beeshiisa.
Halka xogaha kale ee laga helayo kulanka siyaasi maxamuud iyo 10 kamid ah xildhibaan ee laga soo doortay hargaysa, gabiley iyo berbera ayaa tibaaxay in uu ahaa kulan is xaal waraysi oo ujeedadiisu aanay dhaafsiisnayn sawir siyaasadeed uu la galay, balse aanay jirin waxyaabo kale oo ay ka wada hadleen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured