"Ururku Qareenadu Waxa Uu Dhex Dabaashay Dhooqo Aanay Cidi Udirsan, Ama Dhinac Gooniya Loogaga Faa,iidaystay, Masuuliyadii Ay Uhayeen Mihnadlayaasha Ku Bahoobay Ururka SOLLA" Garyaqaan Yuusuf Biixi...

0
Monday January 10, 2022 - 00:30:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ururku Qareenadu Waxa Uu Dhex Dabaashay Dhooqo Aanay Cidi Udirsan, Ama Dhinac Gooniya Loogaga Faa,iidaystay, Masuuliyadii Ay Uhayeen Mihnadlayaasha Ku Bahoobay Ururka SOLLA" Garyaqaan Yuusuf Biixi...

    "Ururku Qareenadu Waxa Uu Dhex Dabaashay Dhooqo Aanay Cidi Udirsan, Ama Dhinac Gooniya Loogaga Faa,iidaystay, Masuuliyadii Ay Uhayeen Mihnadlayaasha Ku Bahoobay Ururka SOLLA" Garyaqaan Yuusuf Biixi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ururku Qareenadu Waxa Uu Dhex Dabaashay Dhooqo Aanay Cidi Udirsan, Ama Dhinac Gooniya Loogaga Faa,iidaystay, Masuuliyadii Ay Uhayeen Mihnadlayaasha Ku Bahoobay Ururka SOLLA" Garyaqaan Yuusuf Biixi...
"Ururka Qareenadu Maaha Inay Ku Milmaan Siyaasada Iyo Xisbiyada Qaranka”Garyaqaan Yuusuf Biixi oo ka falceliyay falogur sharci oo ururka qareenadu ku sameeyay xeerka muranka dhaliyay X;14 Ee maxkamada Sare Horyaala.
Qoraal garyaqaan yuusuf biixi ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada kuna socodsiiyay hogaanka ururka qareenada ee solla ayaa udhignaa Sidan;
Ku: Hogaanka Sare Ee Ururka Qareenada JSL.


قل الحقی ولو كانی مره

Mudanayaal waxaan idiin iftiimin lahaa in guud ahaan maxkamadaha aan lala talin, waxaana kasii xag jira maxkamada sare iyo maxkamada dastuuriga ah, talooyinka iyo soo jeedimaha aan ka midka ahayn banalka dacwada, ama gudidda galdacwadeedku horyaala ka baxsani waxay wiiqaan oo ay wax yeeleeyaan go,aanada cadaaladeed isla markaana waa kuwo majara habaabiya cadaalada iyo sharciga, Tallo-bixinahaasina maxkamadaha hortoodana kuma laha wax saamayn sharci ah, manay ahayn in ururkii sharciga loo soo doonan lahaa iyagii ay ka muuqato inay ka aradan yihiin sharcigii.
Sidoo kale  ururka qareenada S/Land oo ahaa kuwii lagaga dayan lahaa Asuulbta sharci ee wanaagsan, isla markaana matala haybada iyo karaamadii boqolaalka garyaqaan ee Somaliland ee ku bahoobay ururka Solla, waxa uu ururku sicad ugu xad gudbay siyaasadii iyo ujeedadii uu ururku ku aasaasnaa ee ku cad Xeer Lr. 30.2004 iyo Xeer hoosada ururk qareenadu ku midaysan yihiin.
Sidoo kale ururku muu ixtiraamin inuu ka gaabsado dacwad maxkamada dastuuriga ah hortaala oo aan cidunaba uga baahnayn inay la taliyaan amaba rayigooda ay gaadhsiiyaan.
Waxaanuu sida dadka caadiga ah ee aan aqoonta sharci lahayn uga faaloodeen dacwad gal- dacwadeedkeedu uu maxkamada sare horyaalo oo aan uga baahnayn rayi sharci oo cadaalada majara habaabinkarta.
Sidoo kale  ururka qareenada S/Land oo ahaa kuwii lagaga dayan lahaa Asuulbta sharci ee wanaagsan, isla markaana matala haybada iyo karaamadii boqolaalka garyaqaan ee Somaliland ee ku bahoobay ururka Solla, waxa uu ururku sicad ugu xad gudbay siyaasadii iyo ujeedadii uu ururku ku aasaasnaa ee ku cad Xeer Lr. 30.2004 iyo Xeer hoosada ururk qareenadu ku midaysan yihiin.
Waxa kale oo uu ururka qareenadu  ka dag dagay inuu lafa gur Sharci uu ku sameeyo nuxurka tafsiirka sharci ee ka soo baxa maxmada dastuuriga ah, taas oo sharci ahaan ay xaq u lahaayeen isla markaana ay waxbadan ku sixi karaan isla markaana ay sifiican uga faa,iidaysan lahayeen bulshada iyo kuliyadaha sharciga lagu barto, balse talobixin maxakamadi ugama baahna ururka.
Ugu danbayn ururku Waxa uu dhex dabaashay dhooqo aanay cidi u dirsan ama dhinac gooniya loogaga faa,iidaystay masuuliyadii balaadhnayd ee ay u hayeen mihnadlayaasha uu ururka qareenadu kulmiyo ee ku bahoobay SOLLA .
Ururka Qareenadu Maaha Inay Ku Milmaan Siyaasada Iyo Xisbiyada Qaranka, ururka Waxay masuuliyadi ka saarantahay tayaynta Mihnada  Qareenimo ee ay ugu Adeegayaan Bulshadooda, iyo sidii ay u soo saarilahayeen qareeno gudankara waajibaadka iyo masuuliyada ka saaran ilaalinta xuquuqaha dhibanaha ay matalayaan Kobcinteeda.
Wixii talobixino ah, Xibiyadda Qaranku  iyo siyaasiyiintu waxay ka leeyihiin, La taliyayaal sharci oo u gaar ah oo la taliya.
Marka laga hadlayo in ururku uu rayigiisa sharci ka dhiibto xaalad guud oo qaranka  soo wajahday una baahan inay si heer qaran ah uu ururku uga rayi dhiibto, markay qiimeyaan kuna qancaan rayi dhiibashadoodu inay u banaantahay,
Waxaa muhiim ah in hogaanka ururka qareenadu ay si dhex dhexaad ah oo xilksanimo leh, ay ugu xulaan xeel dherayaal sharci oo ka soo baarandaga masayrka sharci ee qaranku u baahan yahay wakhyiga ku munaasibka ah, isla markaana xubnahaasi waa inay ku suntanadaan kuwo  aan danaynayn dhinacyada warbixintu khusayso, balse maaha in hogaanku uu la taliyayaal sharci oo xisbiyahano ah oo aan dhex dhexaad ka ahayn uu magaca ururka cid ugu xilsaaro si danaha cid gaar ah loo fuliyo.
Fiiro gaara ah.
Sharci yaqaanku waa kuwo ka duwan dadka caadiga ah isla markaana ay ka madhantahay caadifad iyo dano gaar ahaaneed, isla markaana aan ka meer meeraysan xaqiiqada sharci ee hortaala, xadiis nabiwiya ayaa ahaa,

” قل الحق  ولو كان  مر

"waar xaqa dhaha haba qadhaadhaadee”.
QALINKII; Garyaqaan : Yuusuf Biixi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured