Maxaa Sababay In Warbaahinta Dawladda Mar walbaa Lagu Mucaaridka Awoodda Leh. Qalinkii Cabdirisaq Suudi.
Maxaa Sababay In Warbaahinta Dawladda Mar walbaa Lagu Mucaaridka Awoodda Leh. Qalinkii Cabdirisaq Suudi.
War-baahinta dawlada Somaliland shalay waxa laga caayi -jiray axmed siilaanyo oo musharax m/wayne ahaa maata-na waxa halkii siilaanyo ku jira oo marag ma doon ah c/raxmaan cirro oo aynu goob-joog u nahay war-baahinta dawladu weerarka ay ku hayso masharaxa madax-wanyne ee xisbiga waddani mr cirro
iyo barnaamajka loogu magac daray faallada warka oo aad moodo in uu soo qoro nin cadhaysan oo aan taariikh haynin wax uu dhawr-sanayaana aanay jirin ninkaana waxaan xasuusin lahaa labada maah-maahda soomaali ah ee (Lafaha gur xaragadana ha ka tagin) iyo (Dhgta haddii la gooyo daloolkaa hadha)
Dhaqaalaha ay war-baahinta dawlada Somaliland ku shaqaysaa maaha hanti xisbi leeyahay ama uu m/waynuhu leeyahay waa cashuurtii ummada Somaliland oo dhan laga ururiyay waana in loo sinaadaa Somaliland-na waxaa ayaan darro ku ah in uu dhaqan iyo caado ay u noqotay in mar walba war-baahinta dawladda lagu weeraro musharax m/wayne oo xisbi mucaarad ah oo bari noqonaya madax-waynaha Somaliland.
Idaacada BBC-da waxa iska leh oo maal galisa dawlada ingiriiska idaacada VOA-da waxa iska leh oo maal galisa dawlada maraykanka hadana lama kala saftaan xisbiyada ka jira wadamadaas mucaarad iyo muxaafad waana sababta dhadhan-ka u yeeshay barnaamajyada ay baahiyaan oo umadda Somaliland maanta war-baahinta idaacada Radio hargeysa waxay kaga kalsoon -yihiin idaacadahaa aan soo sheegay.
Inta badan waxay-nu idaacada BBC-da ka dhagaysan jirnay iyada oo ka waramaysa mudaaharaad ama shaqo joojin ka dhacay meelo ka mid ah caalanlmka waxaan-se ku xasuusinayaa mudaharaadkii ama shaqo -joojintii ay samayeen dhamaan shaqqaale -waynihii idaacada BBC-da 07/08/1984-kii oo muddo 24-saacadood oo xidhiidh ah oo wax war ah iyo wax barnaamaj ah oo ka baxay 37-kii -af ee xilligaas ka bixi jiray idaacada BBC-da oo ay ku jirto laanta af-soomaaliga ee idaacada BBC-du aanu jirin oo wariyayaashii xilligaas ka hawl-gali -jiray laba wariye oo ka mid ahaa ay hargeysa ku sugan-yihiin waxaanay kala yihiin beenaale markhaatigii-suu fogeeyaaye
1. Sheekh maxamuud sheekh axmed dalmar & 2. Maxamuud cabdi cali ducaale
Sababtii mudaharaadka shaqo joojin-ta ah dhalisay waxay ahayd iyada oo xilligaas ay fiintu dhex-miranaysay dawlada ingiriiska iyo madaxdii mucaaradka dawlada ingiriiska ku ahaa ee gobolka IRELAND
iyo in maamulka sare ee BBC-du uu hakad galiyay waraysi aad iyo aad u kululaa oo ay idaacada BBC-du ka qaaday hogaamiyihii mucaaradka ee gobolka IRELAND
Iyada oo shaqaale waynaha idaacada BBC-du ay maamulka sare ee idaacada BBC-da ku tuhunsanaayeen in ay laaluush ka qaateen dawlada ingiriiska laakiin waraysigii markii danbe sidiisii loo sii daayay Leave a comment |
|
Maxaa Sababay In Warbaahinta Dawladda Mar walbaa Lagu Mucaaridka Awoodda Leh. Qalinkii Cabdirisaq Suudi.
Maxaa Sababay In Warbaahinta Dawladda Mar walbaa Lagu Mucaaridka Awoodda Leh. Qalinkii Cabdirisaq Suudi.