Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Maayirada Magaalooyinka Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo ka Warbixiyey...

0
Saturday January 08, 2022 - 01:40:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Maayirada Magaalooyinka Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo ka Warbixiyey...

    Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Maayirada Magaalooyinka Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo ka Warbixiyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka JSL iyo Maayirada Magaalooyinka Somaliland oo Safar Shaqo ku Jooga Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo ka Warbixiyey...
Jabuuti(Xogreeb.com)-"Waxaa booqasho ku yimid Jamhuuriyada Djibouti madaxweyne kuxigeen Jamhuuriyada Somaliland Mudane Abdirahman Abdilahi Ismail saylici . Waxaana Qolka Vipda ku soo dhaweeyey Wasiirka Biyaha, Xanaada xoolaha, beeraha iyo kaluunaysiga ee Jamhuuriyada Djibouti mudane Mohamed Awale (Mohamed Somali) , Wasiirka Diinta iyo awqaafta jamhuuriyada Djibouti Mudane Muumin, Safiirka Somaliland ee u fadhiya Jamhuuriyada Somaliland Djibouti Ambassador Abdifatah Said Ahmed iyo Safiirka Jamhuuriyada Djibouti u fadhiya Dalka turkiga iyo mayaarada Djibouti marwo Fadumo. Waxaa kalee oo madaxweyne kuxigeen hogaaminayey  wafti culus oo ka kooban , mayaarada buuhoodle marwo Khadija Ahmed  Aden, mayaarka Baki, Mohamed  Ahmed ataye, mayaarka baligubadle Mohamed Abdi Muhumed, mayaar kuxigeen ka Gabiley  Abdilahi Ismail Abdi.
Xilibanada ee golaha deegaanka ee laga Soo doortay Xudun, Marwo Kiin Ali Askar iyo xilibanada laga Soo doortay Taleex, Marwo Hawo  Salah Mire. Iyo masuuliyiinta kale oo ka socda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo Shaqada. Waftigan oo ka koobnaa 17 Xubnood. Iyadoo maalinta sabtida 8/12/2022 iyana ay imaan doonan 7 Mayaar oo kale iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha. Mudane Abdirashid Hersi Ali iyo masuuliyiinta kale oo ka kala socda Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo Shaqada.
Halkaas oo uu shir uga furmi dooni maalinta Axada ee bishu tahay 9/12/2022 shirkaas oo lagu tababari doono hogaaminta ( Leader ship Training) taas oo furidoono Madaxweyne kuxigeen Jamhuuriyada Somaliland Mudane Abdirahman Abdilahi Ismail (Saylici)


Alle Mahad Leh

Ambassador Abdifatah Said Ahmed


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured